7:32 pm - Friday August 18, 2017

Diego Costa Oo Xaqiijiyey Inuu Ku Biiray Chelsea

Aidarous

Diego Costa ayaa xaqiijiyey in uu ku biirayo kooxda Chelsea xili-ciyaareedkan, kaddib wada hadallo dhex maray maamulka kooxdaas.

Inkasta oo aanu jirin heshiis la kala saxeexday, haddana weeraryahanaka oo ku sugan wadanka Brazil oo uu kaga qayb gelayo koobka Adduunka ayaa sheegay in uu rajaynayo in uu toos uga dego Stamford Bridge marka laga soo laabto koobka adduunka.

“Muddo badan ayaan doonayay inaan ka ciyaaro Premier League, kooxda Chelsea-na waxay ka mid tahay kooxaha ugu waaweyn dunida, markaa waxa jira waxyaabo badan oo sabab u noqonaya inaad qaadato go’aankan oo kale.” Sidaa waxa yidhi Diego Costa oo xaqiijiyey in uu ku biirayo Chelsea.

Sida ay sheegtay Bleacher oo aanu warkan ka soo xiganay, Costa ayaa buuxin doona kaalinta uu banneeyey Samuel Eto’o oo dhamaystay heshiis sannad ahaa oo uu ugu ciyaaray Chelsea xili-ciyaareedkii hore.

Costa waa 25 jir, waxaanu xili-ciyaareedkii hore kooxdiisa Atletico Madrid u dhaliyey 27 gool 35 kulan oo La Liga ah oo uu ciyaaray, iyadoo uu tartanka Champions League 8 gool u dhaliyey 9 kulan oo uu ciyaaray, waxaanu  kooxdiisa Atletico Madrid ka ciyaawiyey inay ku guulaysato horyaalka dalka Spain.

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

Germany Oo Portuqal Ku Kala Jartay Isla Garoonkii Spain Lagu Xasuuqay

Samuel Eto’o Oo Mugdi La Geliyey In Uu Ciyaari Doono Kulanka Croatia

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
%d bloggers like this: