6:57 am - Sunday August 20, 2017

Diego Costa Wuu Shidi Doonaa Horyaalka Ingiriiska – Mata

Aidarous

Juan Mata ayaa aaminsan in xidiga ay isku qaranka Yihiin ee Diego Costa uu nalka u daari doono horyaalka Priemier League , isagoo ku dhow inuu toos uga mid noqdo xidigaha naadiga Blues.

Weeraryahankan ayaa la rajaynayaa inuu ku biro naadiga tababare Jose Mourinho kuwaas oo ku bixinaya €43 million si uu uga soo wareego Atletico Madrid dhawaan, kadib markii uu ka gudbay tijaabadii caafimaad ee uu u maray kooxda Ingiriiska ah Arbacadii shallay.

Iyadoo la wareegista ciyaaryahankaasi ay marayso xaaladihii ugu dambeeyey, xidiga kooxda Manchester United wuxuu sheegay inuu hubo in Costa uu horyaalka wadanka Britain sumcadiisa kor u qaadi doono.

“Waxaan u rajaynayaa wanaag,” ayuu Mata ku bilaabay hadal kiisa isagoo warbaahinta u waramayay. “Waa weeraryahan ku fiican kubada cagta Ingiriiska, taas oo ay u sahlayso awoodiisa iyo adkaysigiisu. Waa laacib leh hanaankii uu kor ugu qaadi lahaa horyaalkan, laakiin wakhti xaadirkan waa ciyaaryahan ka tirsan Atletico.”

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

De Jong: Qof kastaa ma noqon karo Messi iyo Ronaldo

Pique: Barcelona Meeqaam Liita Ayay Dhigtay Fabregas

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
%d bloggers like this: