Diego Simeone: Lama Hadlo Mandzukic Waayo Isma Fahanno

Tababaraha kooxda Atletico Madrid ee Diego Simeone ayaa ka hadlay dhacdooyinka ciyaartii xalay dhex martay kooxdiisa iyo Real Madrid, waxaanu soo bandhigay sida uu ula macaamilo weeraryahanka Mario Mandzukic oo uu sheegay in aanay isfahmin marka ay wada hadlayaan, iyadoo ay sababtu tahay in luuqado kala duwan ay ku hadlaan.

Simeone oo ay warbaahintu wax ka weydiisay ciyaartii kooxdiisu soo bandhigtay, wixii dhex maray Mandzukic iyo difaacyahannada Real Madrid iyo dhiiggii ka istaagi waaweyey weeraryahankiisa, ayaa waxa uu ugu horreyn ku bilaabay hadalkiisa: “Waxaan jecelahay inaan ka hadlo ciyaarta oo kaliya. Mandzukic si fiican ayuu u ciyaaray, waxaanu halgan la galay Varane iyo Ramos. Waxa aan aaminsanahay in suxulkii (jiqil) uu Ramos u dhuftay Mandzukic ee dhiigga ka keenay in aanu ahayn ku talogal badheedh ah.”

Tababare Diego Simeone waxa uu soo bandhigay mushkilad kala haysata weeraryahanka Mario Mandzukic oo ah in aanay luuqadda isku fahmin.

“In badan lama hadlo, waayo dhibaato ayaa naga haysata luuqadda, waxaanse qirayaa in uu ciyaar fiican ciyaaray, wixii garoonka ka jirayna garsooreyaal ayaa joogay. Anigana ujeedada aan garoonka u joogay waxay ahayd in aan ciyaartooyadayda maamulo.” Sidaas ayuu yidhi Diego.

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

Milicsiga: Dib u daawo dhacdooyinka ciyaarihii u dambeeyey ee Barcelona v PSG

Carvajal Oo Beeniyey In Uu Qaniinay Mandzukic

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com