Diego Simeone Oo Noqonaya Tababaraha Arsenal

Tabobaraha xamaasadda badan ee kooxda Atletico Madrid, Diego Simeone ayaa ku sii jeeda Arsenal, kaddib markii uu baabi’iyey laba sannadood oo ka mid ah qandaraaska uu kula jiro kooxda Atletico Madrid.

Sida ay saaka qoreen qaar ka mid ah warbaahinta waddanka Ingiriisku, Arsenal ayaa farxad ku soo dhoweysay in la soo gaabiyey heshiiskii muddada dheer ahaa ee u dhexeeyey Atletico iyo Simeone.

Warku waxa uu intaa ku daray in Diego Simeone uu ku sii jeedo Arsenal oo uu ka beddeli doono Arsene Wenger oo muddo 20-sannadood ah maamulayey.

Arsenal ayaa lala xidhiidhinayey in uu la wareegi doono sannadkii tegay, laakiin hadda oo horyaalka Premier League ay ku loollamayaan kooxo ay wataan tababareyaal ficil badan sida Mourinho, Guardiola, Conte iyo Klopp ayaa la aaminsan yahay in Gunners ay ku khasban tahay inay hesho tababare la tartami kara.

Simeone oo u dabbaal-degaya gool uu kooxdiisa u dhaliyey December 9, 1997.

Simeone oo u dabbaal-degaya gool uu kooxdiisa u dhaliyey December 9, 1997.

Inter Milan oo uu u ciyaari jiray intii aanu tababaraha noqonin, ayaa la sheegay inay doonayso in Diego Simeone uu la wareego, balse lacag badan oo Arsenal ay u soo bandhigto ayaa ka leexin karta.

News Feed
Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

Waa Sidee Xaaladda Bale, Dhaawacii Sporting CP Kaddib

Oday Geeriyooday Markii Ay Xiddigaha Manchester Booqdeen

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com