2:48 pm - Saturday May 27, 2017

Difaacyahankii Reer Cameroon Ee Song Oo Xaalad Halis Ah Ku Jira, Dhakhtarada Dalkiisa Oo Waxba U Qaban Kari Waayey Iyo Halka Loo Qaaday

Abdiwahab Ahmed

rigobert-songDifaacyahankii heerka caalami ee xulka qaranka Cameroon ee Rigobert Song ayaa loola cararay cusbitaal ku yaalla magaalo madaxda dalkiisa, kaddib markii uu xanuunka Faaliggu ku soo booday.

Sida ay warbaahinta u sheegeen ehellada Song oo ay da’diisu tahay 40 jir ayaa si degdeg ah u miyir beelay, dabeetana koomo wakhti dheer ah galay, waxaana xaaladdiisa lagula tacaalayaa cusbitaalka Yauounde Central Hospital.

Song oo xanuunku ku soo booday isagoo ku sugan gurigiisa gellinkii hore ee Isniinta ayaa sida uu sheegay agaasimaha cusbitaalka la dhigay, waxa loo qaadi doonaa waddanka France oo lagu daawan doono.

Ciyaaryahankan oo caan ku ahaa khadka damka dambe ee difaaca, horena ugu soo ciyaaray kooxaha Liverpool iyo West Ham ee waddanka Ingiriiska ayaa u saftay waddankiisa 137 ciyaarood.

Markii uu ciyaaraha ka fadhiistay waxa uu noqday tababare, xulka qaranka Chad ayaana uu maamule ka noqday ka hor intii aan laga eryin.

song

Xiddiga reer Cameroon ee Samuel Eto’o oo ay wakhti wanaagsan ku wada qaateen xidhashada funaanadda qaranka ayaa waxa uu  bartiisa Twitterka ku shaaciyey farriin uu caafimaad ugu rajaynayo, taas oo u dhignayd sidan: “Waxaan kuu rajaynayaa caafimaad iyo bogsasho degdeg ah, waxaad tahay walaalkaygii weynaa”

Ciyaartoyadii hore ee Liverpool ee Jamie Carragher, Stan Collymore iyo Robbie Fowler ayaa iyaguna farriimo ay ku taageerayaan Song ku baahiyey baraha bulshada.

Sidoo kale, kooxda kubadda cagta Liverpool ayaa barteeda Twitterka, waxay ku qortay sidan: “Waxaanu xanuunka la qaybsanaynaa Rigobert Song iyo qoyskiisa wakhtigan”

 

News Feed
Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!

Maxaad Ka Ogtahay Tababareyaasha Wax Ka Baddan Hal Mar Pep Guardiola Ka Badiyey..? – (Imikaba Ogow)

j_mourinho

Jose Mourinho : Waxay ahayd inaan 6-0 ku badino

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com