Dood Ka Taagan Xiddiga Sannadka Ee Premier League Oo Terry U Doortay Coutinho

Coutinho Hazard and TerryJamie Carragher ayaa dood ka keenay xulashadii John Terry ee xiddiga Premier League, kaas oo uu u doortay in uu xiddiga ugu fiican sannadkan yahay Philippe Coutinho oo khadka dhexe uga ciyaara kooxda Liverpool.

Carragher ayaa waxa uu sheegay in codayn lagu kala bixi doono isla markaana uu ugu horreeyo ragga la saadaalinayo laacibka Chelsea ee Edin Hazard, kaas oo saadaashu u badan tahay.

“Yaa loo dooran doonaa xiddiga sannadka ee PFA. Eden Hazard ayaa ah ninka aadka loo filayo, laakiin cid kasta oo ku guuleysata waxa lagu soo saari doonaa codayn xirfaddiisa la xidhiidha. “ sidaas ayuu yidhi Carragher.

“Waan hubaa in Hazard iyo ragga kale ee hoggaanka haya oo ay aniga ila tahay in ay yihiin David de Gea iyo Harry Kane ay faa’iido u sameeyeen kooxdooda, isla markaana ay ka faa’iidaysan doonaan codka ciyaartooyada ay isku kooxda yihiin.” Ayuu raaciyey.

“John Terry dhawaan ayuu shaaciyey in uu doortay laacibka Liverpool khadka dhexe uga ciyaara ee Philippe Coutinho oo aad u fiicnaa laakiin aan sidaas usii wanaagsanayn. Ma garanayo sababta uu Terry u aaminsan yahay in Coutinho uu ka wanaagsan yahay De Gea iyo Kane sannadkan! Waana wax ka fog aragtida.

“John, waan ku kalsoonahay in ciyaartoy Chelsea ka tirsan uu codkiisa siin lahaa, laakiin waxa la leeyahay, ciyaartooyada isku kooxda ahi iskuma codaynayaan, sidaas daraadeed waxa uu u codayn doonaa De Gea ama Kane oo ah ragga Hazard aadka ula tartamaya. Sidaas oo kale ayaa ku dhici doona Manchester United iyo Tottenham.” Ayuu raaciyey.

Qoraalka Terry

Qoraalka Terry

Dhowaan ayaa la shaaciyey lix ciyaartoy oo ku tartami doona xiddiga Premier League iyo lix ciyaartoy oo ku tartami doona abaalmarinta xiddiga ee ciyaartooyada ay da’doodu ka hoosayso 22 jirka. Waxa fursadda da’ yaraanta ka faa’iidaysanaya Eden Hazard, Harry Kane iyo Philippe Coutinho oo ku jira labada liisba, isla markaana ay suurtogal tahay in ay ku guuleystaan xiddiga sannadka ee ciyaartooyada waaweyn iyo xiddiga da’yartaba.

Ciyaartooyada ku tartami doona xiddiga sannadka PFA

Eden Hazard – Chelsea

Diego Costa – Chelsea

Harry Kane – Tottenham Hotspur

Alexis Sanchez – Arsenal

David de Gea – Manchester United

Philippe Coutinho – Liverpool
Ciyaartooyada da’da yar ee ku tartamaya xiddiga PFA

Eden Hazard – Chelsea

Harry Kane – Tottenham Hotspur

Philippe Coutinho – Liverpool

Raheem Sterling – Liverpool

David de Gea – Manchester United

Thibaut Courtois – Chelsea

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
5/5 - 1
You need login to vote.

Henry iyo Redknapp oo Fool-ka-Fool Isu Wajahay Sidii Mayweather vs Pacquiao

Magacyada 5 Tababare Oo U Sharraxan Beddelka Ancelotti

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com