10:07 am - Thursday June 29, 2017

Draxler Oo £34m Ugu Wareegay PSG

Aidarous

Xiddigii saarnaa Diirada kooxda Arsenal ee Julian Draxler ayaa ugu dambeyn si rasmi ah ugu biiray kooxda Paris Saint-Germain oo kala soo wareegaysa Wolfsburg.

Laacibka xulka Germany, wuxuu qalinka ku duugay heshiis afar sanadood iyo badh ah oo uu ku sugnaanayo geggida Parc des Princes ee naadiga PSG, sidaasna waxaa daboolka ka qaaday kooxda Jarmalka ah ee uu u ciyaari jiray.

Wolfsburg ayaa gacanta laga saari doonaa aduun lacageed oo gaadhaya £34m – oo ay ku bedelanayso 23 jirkan weerarka ah, gunooyinka dheeraadka ah ee uu helli doono iyo mushaharkiisaba waxaa la shaacin doonaa marka ay PSG si rasmi ah ugu dhawaaqdo heshiiska.

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!

“Rajo Ku Noolaada” – Cristiano Ronaldo oo muuqaal qiiro ah u diray shacabka la xasuuqayo ee Aleppo – Syria

FIFA Oo Wada Qorshe Ay Ku Xakamaynayso Hab Dhaqanka Ciyaaryahanada

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
%d bloggers like this: