Didier Drogba ayaa ka tagi doona kooxda Montreal dhamaadka xilli horyaalka koobka MLS.

38 jirkan ayaa saxafiyiinnta u sheegay in uu saftay ciyaartiisii u dambaysay ee kooxdiisu ku yeelato garoonkeeda kad dib markii 3-2 ay kaga badiyeen Toronto FC.

Gool dhaliyihii hore ee kooxda Chelsea ayaa ciyaartaas badal ku soogalay daqiiqaddii 71-aad, waxaana daawanayay 61,000 oo taageere.

Billawgii ciyaarta ayaa dib loo dhigay 30 daqiiqo ka dib markii la ogaaday in ay dhuudhuuban yihiin diilimaha 18-ka.
Diilimaha cadcad ayaana dib loo calaamadeeyay, taageerayaasha ayaana sacabaynayay intii hawshah la wday.

Drogba oo u soo ciyaari jiray qarankiisa Ivory Coast ayaa Montreal kaga soo biiray kooxda Chelsea, intii uu kooxdiisan la joogayna wuxuu dhaliyay 27 gool isaga oo ka qayb galay 33 ciyarood.