Dybala Oo Gool Mucjiso Ah Ka Dhaliyey Shabaq 20 Qof Waardiye Ka Yihiin

Intii ay socotay – ciyaar qaadhaan urrurin ah oo lagu qabtay gudaha wadanka Argentina, Weeraryahanka naadiga Juventus – Paulo Dybala ayaa mar kale ku soo bandhigay tayadiisa iyo awoodiisa la yaabka leh ee ciyaareed, waxaanu ka dhaliyey gool ay is dhex taageen in ka badan labaatan qof masaafada labada birood u dhaxaysa.

20 ka qof oo xataa is dul kor-koray sidaad muuqaalka ka arki doontid, si ay u daboolaan oo uga qariyaan shabaqa ciyaaryahanka kubbada ka soo laagaya meesha dibadda ka ah xerada ganaaxa ama xariiqda goolka hortiisa ee aynu 18 layn ka u naqaan.

Xataa iyada oo ciyaaryahanadii garoonka ku jiray ee ka soo horjeeday dhamaantood markii ay galeen, ay dibada kaga soo biiraan qaar kamid ah shaqaalihii kooxuhu ee dibada garoonka kaga sugnaa ama aan ciyaarta ku jirin, haddana Dybala, laacibkan xulka Argentina wuxuu awood u yeeshay inuu farsameeyo oo shabaqa u weydaariyo kubaddii, guud ahaan dadkii isku cidhiidhyay goolka hortiisa ee xataa qaarkood birta sare qabsadeen.

Bal ila daawo – sidii wax u dhaceen

News Feed
Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

Aston Villa Oo Xaqiijisay Inay Heshiis Kula Wareegtay John Terry

Ceebaha ka Soo If-baxay Tijaabinta “Garsoore-caawiyaha Macmalka Ah” – Tartankii Koobka Qaramada Adduunka

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com