Egypt_player_Salah

Egypt oo Tumay Ghana Iyo Congo oo guul ka heshay Guinea

Xulka Egypt ayaa dhulka la dhacay qaranka Ghana, kagana badiyey 2-0 ciyaar ku dhex martay magaalada Alexandria, taas oo ay ku gaadheen figta ugu saraysa ee Group kooda isreeb reebka koobka aduunka 2018, halka xulka qaranka Jamhuuriyadda dimuqraadiga ah ee Congoay kala daba yimaadeen kagana badiyeen 2-1 xulka Guinea hogaankana ugu qabteen Group A.

Egypt_Player_M_Salah_

Goolal ay u kala dhaliyeen Mohamed Salah iyo Abdallah Saied ayaa guusha u horseeday xulka lagu naanayso Fircooniyiinta.

Natiijadani waxay ka dhigaysaa xulka Egypt inay laba dhibcood oo nadiif ah ku hogaamiyaan Group E.

Ghana hore ayay halis ugu jirtay, maadaama ay dhibic kaliya leedahay, laakiin afar ciyaarood u hadhsan yihiin oo isreeb reebka ah.

_92423358_gettyimages-459065562
Uganda ayaa Group ka kaga jirta kaalinta labaad, laba dhibcoodna ka dambeysa qaranka Masar, kadib markii ay 1-0 kaga adkaadeen Congo Brazzaville ciyaartii Sabtidii ku dhex martay caasimada Kampala.

Democratic Republic of Congo ayaa dib ula wareegay hogaanka Group A, oo ay ku hayaan Goolal tirsi ay kaga sareeyaan Tunisia, kadib markii ay 2-1 kaga badiyeen qaranka Guinea ciyaar ku dhex martay magaalada Conakry.

Qaarada Afrika, shanta wadan ee ugu sareeya shanta Group ee ay u qaybsan yihiin, ayaa u gudbi doona si ay u metelaan qaarada, koobka aduunka 2018 ka ee Ruushku marti galin doono.