El Clasico: Muxuu Faaliyaha Facebook Ka Yidhi Ka Hor Kulanka.?

Dhugmo kooban oo aynu ku eegeyno waxa uu ka yidhi iyo sida ay shacabka shabakada Arimaha Bulshada ee Facebook u faaqideen ciyaartan dhex maraysa labada naadi ee caalamka ugu awooda badan wakhti xaadirkan, iyo faalada bartaasi baahisay ka hor kulanka.

Ciyaartii xiisaha badnayd ee El Clasico ayaa fooda inagu soo haysa, aduunka oo dhamina wuu wada sugayaa. Bishii ina dhaaftay ee March oo ay labada kooxood wada ciyaareen kulankoodii u dambeeyey, waxay noqotay mucjiso iyo rikoodh cusub in 400 oo milyan oo daawade dacadalada dunida Tv-yadii baahinayay kala socdeen. Bandhig ay ka dhex muuqdaan xidigaha sida Lionel Messi iyo Cristiano Ronaldo oo kale ahi, la yaab malaha inay noqoto mida ugu caansan caalamka.

Arrinta kale ee xiisaha u yeesha ciyaartani, isla markaana mudan inaynu xusno ayaa ah, inay xambaarsan tahay colaad siyaasadeed wadanka Spain gudeheeda ah. Real Madrid ayaa loo arkaa mid huwan astaanta qaranimada Spain halka Barcelona u taagan tahay qaranimada Catalonia. Labada magaalo ee ay kala metelayaan ayaa ah labada magaalo ee ugu waaweyn wadanka Spain, Dhinaca taariikhdana waa labada kooxood ee ugu da’da weyn wadankan kulaala xuduuda Afrikada Woqooyi.

Doorkan – Ciyaarta labada kooxood waxay ku soo beegan tay iyadoo ay fooda isku hayaan hirdanka hogaanka horyaalka La Liga, tiiyoo Barcelona naadiga ay sida weyn isu hayaan ka horeyso dhibic kaliya, waa hubaal inay ciyaartu xiiseheeda gaarka ah ee arimahaas la xidhiidha wadato kuna lammaan yihiin, dhamaanteena aynu daawashadeeda sababtaas uga dhur sugayno.

Hadaba shabakada Bulshadu ku haasawdo ee Facebook ayaa soo bandhigtay shax falanqayn ah oo ay ku eegayso sida ay shacabka barteeda isticmaalaa u hadal hayaan ciyaarta labada kooxood dhex maraysa Axada Berri ah hadduu Eebe qadaro.

Arinta layaabka lihina waxay noqotay in kooxda kaalinta labaad ku jirta ee Real Madrid ay ku soo baxday kooxda loogu hadal haynta badan yahay, waxa sidoo kale faaqidaada Facebook waxaa ka soo baxday in shaqsiyan Ronaldo iyo Ancelotti ay noqdeen labada qof ee loogu hadal haynta badan yahay.

Waana Tan Shaxdii Facebook Dibada Soo Dhigay !!!!

Facebook iyo Faalada The El Clasico sax

 

News Feed
Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
5/5 - 1
You need login to vote.

Qiimeynta kubadda cagta aduunka: Horyaalkee ugu wanaagsan caalamka.?

Manchester City 3-0 West Brom: Garsoore Swarbrick Oo Dhabqiyey Ciyaarta

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com