6:52 am - Sunday August 20, 2017

El Shaarawy Oo Rajaynaya Inuu Safto Kulanka Derbiga Talyaaniga Ee Milan

Aidarous

Weeraryahanka kooxda AC Milan Stephan El Shaarawy ayaa rajo fiican ka qaba inuu ka soo kabto dhaawacii uu u jiifay oo uu safan karo ciyaarta derbiga ah ee Kooxdiisu wajahayso Inter Milan Axada fooda inagu soo haysa.

Laacibka qaranka Talyaaniga ayaa saddex kulan oo kali ah u saftay kooxdiisa tan iyo Bishii September oo uu dhaawac lugta ahi soo gaadhay.

Si kastaba ha ahaatee, iyadoo Milan aanay u furnayn wax fursad ah oo ay ku xejisato ka qayb galka horyaalka Yurub ee Champions League laakiin fursad aan lahubin oo kali ahi uga furan tahay horyaalka Labaad ee Europa League, wuxuu sheegay ciyaaryahankan 21 jirka ahi inuu fayo qabo oo uu isu diyaarinayo ciyaarta Inter ee Talyaanigu ugu yeedhaan ‘Derby della Madonnina.

He also revealed his frustration at seeing the injury come back during December’s Champions League meeting with Ajax.

Waraysi uu la yeeshay wargeyska La Gazzetta dello Sport oo wax ka weydiiyey rajada ciyaarta Axada, wuxuu ku jawaabay: “Waxaan rajaynayaa inaan ciyaartaas ka qayb gallo. Lugihii 90 daqiiqo ciyaari lahaa ma haysto, laakiin 20 ama 30 oo qaybta labaad ee ciyaarta ahi waa suurto gal.

“Waxaan doonayaa inaan ka caawiyo kooxda sidii ay ugu soo bixi lahayd Europa League. Waxay noqon doontaa ciyaar adag oo maryo dhiig ah la kala furan doono..

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
5/5 - 1
You need login to vote.

Atletico Madrid Oo Dhulka la dhacday Chelsea Una Gudubtay Finelka Champions League

Ilmadii Terry Iyo Kulanka Finelka Champions League Oo Taariikhda Markii ugu Horeysay Laba Naadi oo Isku Magaalo Ahi Yimaadeen

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
%d bloggers like this: