Benzema & Ronaldo Oo Real U Horseeday 4 Dhibcood Oo Nadiif Ah Inay Ku Hayso Hogaanka La Liga

Weeraryahanka reer France ayaa gool dhallinta furay qaybtii dambe ee ciyaarta, kadib markii uu kubad difaaca ka baxsatay oo uu gees kala soo gallay Cristiano Ronaldo , shabaqa hortiisa ka hellay si fududna ugu shubay.Real Madrid oo 4 dhibcood oo Nadiif ah Hogaanka La Liga Ku Qabatay 1

Carlo Ancelotti ayaa u dabaal daggayay kulankiisii 100 aad ee uu Real Madrid tababaraha u ahaa, kuna damaashaaday afar dhibcod oo nafiif ah oo uu hogaanka horyaalka ku qabtay kadib ciyaartan 2-0 ka ay kaga badiyeen Elche.Real Madrid oo 4 dhibcood oo Nadiif ah Hogaanka La Liga Ku Qabatay 3

Guuldaradii Barcelona gurigeeda ka qabsatay ee 1-0 ka ahayd ee ay ku dhigtay Malaga Sabtidii ayaa siiyey Real fursada ay ku soo kordhiyeen faraqa dhibcaha ee ay hogaanka ku sii dheeraysatay.Real Madrid oo 4 dhibcood oo Nadiif ah Hogaanka La Liga Ku Qabatay 4

Cristiano Ronaldo ayaa habeenkan ahaa mid wacdaro la soo baxay oo dhinac walba kubada ka soo kaxaynayay, waxaanu dhigay kubadii Benzema , isla markaana wuxuu dhaliyey kubad madax ahayd oo aad u qurux badnayd, taas oo niyad jabka ugu weyn ku riday kooxda Elche.Real Madrid oo 4 dhibcood oo Nadiif ah Hogaanka La Liga Ku Qabatay 2

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

Ibra Aiming For revenge: “Ibra Wuxuu Rabaa In Uu Ka Aarsado Guardiola”

Hindiya oo Xasuuqday S.Afrika Iyo Sirilanka Oo Dirqi Kaga Badbaaday Afghanistan

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com