Habeenkii Khamiistii Dhacdo Ugub ku ah Dunida Ciyaaraha Ayaa Ka dhacday Wadanka Ecuador

Enner Valencia receives air through an oxygen mask as he goes off on a medical buggy

Ciidanka booliiska oo wata warqadii qabashada laacibka Xulka Ecuador ee Enner Valencia ayaa ku gaaf wareegay garoonka intii ay socotay ciyaartii isreeb reebka koobka aduunka ee ay Chile la ciyaarayeen Khamiistii.

Valencia ayaa lagu dacweeyey inaanu bixin biilka gabadha yar ee uu dhalay ee – Sharon Valencia – waxaana lagu soo dalacay lacag dhan £13,000 oo ah taageerada gabadhiisa, oo uu ka meeraystay ama aanu bixinin, waxaanay taasi sababtay in ciidan wata cadayntii qabashadiisu isa soo tumaan gudaha garoonka ay Ecuador iyo Chile ku ciyaarayeen, walow wararka qaar sheegayaan in ciidanku ilaa galabnimadii markii xulku tabobarka samaynayay ay ku wareegsanaayeen oo eeganayeen inay fursad u helaan ciyaaryahanka oo aan shaqo ku jirin.

Stewards and medical staff gather around Valencia as he receives treatment

Ciidanka Booliiska magaalada Quito, ayaa sida ay sheegayaan wararka laga helayo wadanka Argentina, u qaaday talaabo ay ugu sii dhawaanayaan qabashada laacibkan ku gudo jiray gudashada waajibka xulkiisa, ciyaarta ka dhacaysay garoonka Estadio Olímpico Atahualpa kadib markii xidiga naadiga Everton lagu qasbay inuu garoonka dhaawac uga baxo, daqiiqadii 82 aad.

Laakiin waxaa baajiyey qabashadiisa, markii garoonka uu isku dhex tuuray ee ay kooxda caafimaadka xulka Ecuador, oo wata baabuurta gargaarka deg-dega ahi ugu dhex tageen geggida dhexdeeda, intay naqaska Oxygenta sanka iyo afka ugu soo xidheen sidii qof xaalad adag ku jira, bareele lagaga saaray, ilaa la soo gaadh siiyey baabuurta Anbalaaska oo taagnaa meel aan sidaas uga durugsanayn.

Valencia is chased by at least 12 members of local police as he is carried off the pitch

Garoonka ayaana lagaga saaray isagoo loo qaaday, cusbitaal ka ag dhawaa garoonka, markii dambena sidaas ku baxsaday, waxaana la sheegay in xaaskiisa oo dacwada ku waday iyo Looyarkii u doodayayba ay garoonka joogeen wakhtigaas.

Lama oga ilaa hadda, inay ciidamada u suurto gashay inay Valencia, magaalada dhexdeeda ka qabtaan iyo in kale.

Police gather around an ambulance as Valencia is taken away for medical attention

Ciidan badan oo daba socda iyadoo Valencia Anbalaas la saarayo

Valencia, who is on loan at Everton from West Ham, poses with his children and wife

Valencia, oo haya Labadiisa Hablood ee uu dayacay , xili ay la joogto xaaskiisa soo dacweysay