Enrique Oo Ammaan Kala Daalay Suarez

Xiddiga reer Uruguay ee Luis Suarez ayaa ammaan ballaadhan ka mutaystay tababarihiisa Barcelona ee Luis Enrique kadib markii uu xalay goolka guusha u saxeexay kooxdiisa isagoo niyad jabna ku riday taageereyaasha kooxda lacagta badan ee Real Madrid oo ay Barcelona kaga badisay 2-1.

Ciyaartan oo ka dhacday garoonka Barcelona ee Camp Nou ayaa ay Barelona qaybtii hore heshay goolka furitaanka ciyaarta kaas oo uu u saxeexay Jeremey Mathieu oo madaxa ku dhuftay kubbad laad xor ah ahayd oo uu soo qaaday Lionel Messi, laakiin Real Madrid ayaa isla qaybta horeba barbar dhaca keentay iyadoo uu u dhaliyey Ronaldo oo baas heer caalami ah ka helay Karim Benzema.

Qaybtii dambe ayay Barcelona goolka guusha heshay kaas oo uu u saxeexay Luis Suarez.

Haddaba, tababaraha Barcelona ee Enrique ayaa shirkiisii jaraa’id ee uu ciyaarta kaga hadlayay waxa uu ku soo qaaday goolka Suarez kaas oo uu ku tilmaamay mid ay yar yihiin ciyaartooyada awoodda u yeesha in ay dhaliyaan.

News Feed
Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.
prev-next.jpg

Muxuu Ancelotti Ka Yidhi Guul-Darradii Real Madrid Ku Habsatay

FA oo ganaaxaya Martin Skrtel

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com