12:05 pm - Tuesday May 30, 2017

Enrique Oo Arda Turan Ku Eedeeyey Goolkii Real Madrid Kula Barbaraysay

Abdiwahab Ahmed

Arda Turan

Tababaraha Barcelona, Luis Enrique ayaa eedaymo kulul u jeediyey xiddiga reer Turkey ee Arda Turan oo uu dusha ka saaray sababta uu ku yimid goolkii barbar dhaca ee ay Real Madrid ka dhisay kulankii ka dhacay Camp Nou ee ku dhamaaday 1-1, kaas oo Barcelona qay bilowga qaybta dambe la hormartay gool.

Enrique waxa uu sheegay in uu ciyaartoygiisa u sharraxay inay iska ilaaliyaan inay khaladaad ku galaan ciyaartoyga Real Madrid meel u dhow goolkooda, sababtoo ah waxay halis ku yihiin dhalinta goolasha noocaas ah, waliba qaybta dambe, laakiin taladiisii aanay raacin.

“Tilmaamaha aan siiyey way iska caddaayeen, waxaan ku idhi, khalad haku gelina, waliba marka ay ciyaartooyada Madrid goolkiina ag-joogaan.” Sidaas ayuu yidhi Enrique.

Isaga oo hadalkiisa sii wata, waxa uu tababaruhu ku adkaystay in qaybtii dambe ay kooxdiisu si fiican u ciyaartay, ciyaartana ay gacanta ku hayeen, tiro fursado ah oo ay sameeyeenna aanay ka faa’iidaysan.

“Qaybta hore ciyaartay way dheeelli-tirnayn, labada kooxoodna waxay isku waajahayeen fool-ka-fool, laakiin qaybta dambe anaga maamulaynay oo samaynay fursado badan. Waxaanu u qalanahay guul, sababtoo ah wixii aanu abuurnay, laakiin hadda waa in aanu ciyaartayada horumarino.” Ayuu yidhi.

Enrique waxa uu tibaaxay in lix dhibcood oo Madrid ay ka horreyso ay dhibaato ku yihiin, kulankan oo ay ka go’nayd inay soo yareeyaanna ay u suurtogeli weyday. Waxa uu amaanay saamaynta uu ciyaarta ku yeeshay Andres Iniesta oo beddel ku soo galay qaybta dambe, balse isbeddel weyn ku sameeyey awooddii Barcelona.

News Feed
Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!

Guardiola Oo Raalligelin, Sharraxaad Iyo Yididiilo Kaga Jawaabay Guul-Darradii Chelsea

Bournemouth Oo Laba U Kala Jartay Liverpool

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com