7:35 am - Sunday July 23, 2017

Enrique Oo Si Maldahan u Shaaciyey In Messi Ka Tegayo Barcelona

Abdiwahab Ahmed

Tababaraha kooxda Barcelona, Luis Enrique ayaa diiday in uu shaaciyo in xiddiga kooxdaas ee Lionel Messi uu sii joogi doono Barcelona, isla markaana uu saxeexi doono heshiis cusub.

Messi oo qandaraaska uu kula jiro Barcelona uu dhamaanayo sannadka 2018, ayaa la sheegay in uu diiday in uu heshiis cusub u saxeexo kooxdiisa, taas beddelkeedana uu ku biiro doono koox kale, iyadoo ay u dheg taagayaan naadiyada dunida ee lacagta badan haysta intooda badan.

Tababare Enrique oo ay warbaahintu wax ka weydiisay in uu xaqiijiyo in Messi uu saxeexayo heshiis cusub, ayaa diiday in uu xaqiijiyo, waxaanu yidhi: “Waxaan Xaqiijin karayaa, oo aan soo dhowaynayaa bilowga wada-hadallada heshiis cusub. Waxa uu ka mid noqon doonaa ciyaartooyo heshiiskooda cusboonaysiinaya, marka la dhamaystirona waanu u dabaal-degi doonaa.” Sidaas ayuu yidhi Guardiola, waxaana isagoo hadalkiisa sii wata uu yidhi: “Wakhtigan kuma dhaco in aan wax saadaal ah ka bixiyo heshiiska Messi.”

Kooxaha Manchester City iyo PSG ayaa hoggaaminaya naadiyada la saadaalinayo in uu ku biiri doono Messi, haddii uu tago Barcelona.

News Feed
Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

In kabadan 1,000 ciyaartoy oo Ruush ah oo isticmaalay dawooyin mamnuuc ah

2016 Fifa Club World Cup: Real Madrid Oo Isha Ku Haysa Guul ay ka gaadho Japan

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
%d bloggers like this: