8:55 pm - Monday January 22, 2018

Eric Bailly Oo 3 Bilood Garoomada Ka Maqnaan Doona

15 Viewed Aidarous Comments Off on Eric Bailly Oo 3 Bilood Garoomada Ka Maqnaan Doona

Tabobaraha kooxda Manchester United, Jose Mourinho ayaa sheegay in laacibkiisa difaaca ee Eric Bailly uu ciyaaraha ka maqnaan doono mudo saddex bilood gaadhaysa, dhaawac kuraanta lugta ah awgeed.

23 jirka difaaca dhexe ka ciyaara, Ayaan kooxda lagu dhex arag tan iyo wixii ka dambeeyey ciyaartii 1-0 ka guuldarada ah kooxdiisu kala kulantay Chelsea, bishii November 5 teedii.

Bailly ayaa dhaawacan uu la jiifaa ka soo gaadhay isagoo ku gudo jira waajibaadkii shaqo ee xulka qarankiisa, kulan ay la ciyaareen qaranka Ivory Coast.

Mourinho oo arintaas ka hadlaya ayaa yidhi: “Eric wuxuu galayaa qaliin. Naga maqnaan mayo inta xili ciyaareedka ka dhiman oo dhan balse laba ama saddex bilood ayay qaadanaysaa.”

Mourinho ayaa ku bilaabay Chris Smalling iyo Phil Jones kulankii Arbacadii ay 1-0 ka kaga badiyeen Bournemouth, ciyaartaas kadibna, khabiirka reer Portugal wuxuu sheegay siduu ugu faraxsan yahay sida uu u maareeyey caqabadii difaaca dhexda.

“Xili ciyaareedka oo dhan, dhibaato ayaa naga haysatay difaacyahanada dhexda, laakiin, tirada oo afar ama shan ah, waxaanu had iyo jeer xooga saaraynay inaanu mar walba haysano ama heli karon ciyaaryahano ku filan, Chris Smalling-na si la yaab leh ayuu u ciyaarayay todoba ilaa sideed ciyaarood oo xidhiidh ah, sidaas darteed waanu fiicanahay.”

Bailly ayaa ahaa ciyaaryahankii ugu horeeyey ee United heshiis kula soo wareegto kadib markii Mourinho shaqada la wareegay, waxaanay kaga soo iibsadeen kooxda Villarreal xagaagii 2016 kii lacag dhan £30m.

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

Manchester United Oo Heegan Ugu Jirta Griezmann Oo Ka Tegaya Atletico Madrid

Full Highlights: Central Coast Mariners 0-2 Western Sydney Wanderers

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com