Eric Cantona: Man Utd way ku guulaysan kartaa horyaalka 2016 ee Premier League

Halyeygii hore ee kooxda shayaadiinta dharka cas, Eric Cantona ayaa sheegay in guushii Derbiga Manchester ee United ku dubatay Manchester City ay cadaysay sida ay kooxdaasi ugu diyaarka tahay inay qaado horyaalka Premier League sanadka dambe.Eric Cantona
United ayaa kaga adkaatay City 4-2 geggida Old Trafford Axadii, kaalinta saddexaadna ka fadhiisatay kala saraynta horyaalka England.
“Imika waa boqorada magaalada,” ayuu yidhi Cantona, oo afar horyaalka la qaaday United intii u dhaxaysay sanadihii 1992 ilaa 1997.
“Mararka qaar waxaa dhacaysa in xili ciyaareedka aad kulamo guuldaraysato kuna dhamaysato kaalinta afraad ama shanaad. Sanadka soo socda wey qaadi karaan.”
Wallow lagaga horeeyey gool uu ka dhaliyey Sergio Aguero bilowgii ciyaartaba, United waxay uga daba timid si awoodi ku dheehan tahay waxaanay kaga guuleysatay goolal ay ukala saxeexeen Ashley Young, Marouane Fellaini, Juan Mata iyo Chris Smalling ka hor intii aanu Aguero gool labaad ka dhalinin.
Waxay ahayd guushii ugu horeysay ee Derbi ah tan iyo sanadkii 2011, waxaanay afar dhibcood ka kor mareen kooxda ay isku magaalada yihiin, xafiiltankuna ka dhexeeyo ee City.

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
5/5 - 1
You need login to vote.

Madrid-yadii oo Maryo Dhiigleh Kala Furtay Isna Marri Waayay + Sawiro

Sterling oo markale la soo bandhigay sawiro uu shiishad dhuuqayo waxa markan ku weheliya Jordon Ibe

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com