Ethiopa iyo Kenya Oo Wacdaro Ka Dhigay Orodka Half Marathon Ee Berlin

Berlin, March 30 (www.cadalool.com) – Orodyahanka reer Ethiopia ee Birhanu Legese ee orodka wakhtiga dheer ayaa si lama filaan ah ugu guuleystay tartanka 35aad ee Half Marathone oo lagu qabtay magaalada Berlin ee wadanka Germany kaas oo uu ku soo afjaray 59 daqiiqo iyo 45 ilbidhiqsi.

Legese oo ay da’diisu tahay 21 jir, ayaa ka dheereeyey dhamaan raggii loo saadaalinayey, waxaanu gaadhay barta dhamaadka isaga oo hoggaanka haya, waxaanu sidaa ku noqday orodyahanka 9aad ee sannadkan ugu wanaagsan dunida.

Orodyahankan reer Ethiopia ee Birhanu Legese ayaa ka dheereeyey orodyahanka reer Kenya David Kosgei oo la saadaalinayey in uu ku guuleysan doono balse nasiib darro tallaabo kaliya ka dambeeyey Legese, waxaana kaalinta saddexaad galay Abraham Cheroben oo u dhashay wadanka Kenya kaas oo ku orday 59 daqiiqadood iyo 49 ilbidhiqsi.

Dhinaca haweenka, waxa kaalinta koowaad gashay Cynthia Kosgei oo ku dhamaysay orodka 1 saac, 10 daqiiqadood iyo 52 ilbidhiqsi, waxana kaalinta labaad gashay gabadh kale oo u dhalatay Kenya oo lagu magacaabo Elizabe Cherono oo afar ilbidhiqsi oo kaliya ka dambaysay.

Waxa kaalinta saddexaad gashay isabellah Andersson oo u ordaysay Sweden taas oo asal ahaan ka soo jeedda Kenya.

News Feed
Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
5/5 - 1
You need login to vote.

Zidane Oo Ogolaaday In Uu Tababare U Noqdo Real Madrid

Juan Mata: Maxaa La Iiga Reebay Xulka Spain?

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com