3:16 pm - Sunday January 20, 7489

Ethiopia Oo Tababare Cusub U Magacawday Xulka Qaranka

253 Viewed Aidarous Comments Off on Ethiopia Oo Tababare Cusub U Magacawday Xulka Qaranka

Xidhiidhka kubada cagta wadanka Ethiopia ayaa Yohannes Sahle u magacaabay tababaraha cusub ee xulka qaranka kubada cagta wadankaasi.

Sahle Ayaa shaqada kala wareegaya tababarihii hore ee reer Portaqiis, Mariano Barreto, oo ay galaafatay kadib markii uu ku guul daraystay inuu qaranka u soo saaro koobka qaramada qaarada Afrika ee sanada 2015 ka.

“Waxaan u soo ciyaaray xulalka kubada cagta Ethiopia ee dhalinta da’yarta iyo xulka qarankaba. Imikana aad baan ugu faraxsanahay inaan noqdo tababaraha xulkii aan u soo ciyaari jiray,” sidaas waxaa idaacada BBC u sheegay , tababaraha cusub ee Sahle.

“Aad baan ugu riyaaqsanahay uguna hanweynahay doorka la ii magacaabay . Waxaan ugu hawl galli doonaa sida ugu daacadsan uguna hawl karsan ee aan awoodo.”

Khabiirkan 49 jirka ah, ayaa shaqada ugu horeysa ee hortaala ay noqon doontaa sidii uu qaranka ugu hogaamin lahaa ciyaaraha isreeb-reebka koobka Afrika ee sanada 2017 oo bilaabmaya bisha June ee inagu soo aadan.

Sahle waa nin u dhashay wadanka Ethiopia laakiin haysta dhalashada wadanka Maraykanka, kaas oo wakhtiyadii uu xulka qarankiisa ka soo midka ahaa sanadihii 1980 aadkii guulo muhiim ah gaadh siiyey ka hor intii aanu u guurin dhinaca USA.

Wuxuu dib ugu noqday Ethiopia badhtamihii sanadkii 2010 si uu u qabto jagada agaasimaha farsamada ee xidhiidhka kubada cagta wadanka. Mar dambena wuxuu qabtay jagada tababaraha xulka qaranka ee da’doodu 17 jirada ka hooseeyso, iyadoo shaqadii ugu dambeysay ee uu hayayna ay ahayd tababaraha kooxda Dedebit, oo kamid ah kooxaha ugu awooda badan ugu sareeya horyaalka wadanka Ethiopia ee ‘ Ethiopian Premier League’.

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
5/5 - 1
You need login to vote.

Video – Hazard xiddiga Premier Leaguee ee Sannadka – Daawo Bandhig ciyaareedkiisa

Massimiliano Allegri Oo Si Weyn Uga Qayliyey Rabshadaha Ciyaartii Torino & Juventus

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com