8:14 am - Saturday August 19, 2017

Eto’o: Mourinho Doqoniimo Ayaa Ka Keentay Eto’o Waa Duq

Aidarous
Eto'o oo Ficil kaga jawaabaya weedhaha Mourinho
Eto'o oo Ficil kaga jawaabaya weedhaha Mourinho

Samuel Eto’o ayaa ku tilmaamay Tababare  Jose Mourinho  inay doqoniimo ka keentay hadalkii uu horaantii sanadkan kaga hadlay da’da ciyaaryahanka reer Camaroon.

Mourinho ayaa ka soo mudh yidhi shaashadaha isagoo muuqaalkiisu u eg yahay mid la yaaban daalka ka muuqda ciyaaryahanka, si kaftan ahna u sheegaya inay ka weyn tahay da’da Eto’o inta uu sheegto.

Laacibka 33 jirka ah , ayaa isla todobaadyadaasi  kaga jawaabay hadalka tababarihiisa ,  hanaan dabaal degeed oo uu sameeyey goolkii uu dhaliyey ciyaartii ugu horeysay.

Si kastaba ha ahaatee, Eto’o oo imika ay ka dhamaatay qandaraaskii uu kula joogay Chelsea, ayaa u muuqda mid ay u gaadhay xiligii uu jawaabta rasmiga ah siin lahaa Mourinho, waxaanu ku dooday inuu ciyaaraha sii wadanayo heerkiisuna maalinba maalinta ka dambeysa kor u sii kacayo.

“Maanta waxay da’daydu maraysaa 33 jir, wax kalena maahee, shaqsi doqon ah ayaa igu tilmaamay inaan oday ahay.’’ Ayuu laacibka reer Camaroon ku yidhi , waraysi uu siiyey shabakada Africanfootball.com.

“Waana inaad ogaysiisaan in ninka weyni ka waxtar badan yahay ninka yar.  Dad baa rumaysan inaan kubada cagta ka fadhiisanayo uu u wareegayo Maraykan ama barriga dhexe, laakiin waxaan soo dhadhamiyey raaxada guusha horyaalka Champions League, waxaanan doonayaa inaan sii wado ka ciyaarista horyaalka Yurub.

“Kooxdee.? Kuuma sheegayo.”

Eto’o oo doorkana lagu soo daray xulka wadanka Camaroon ee u safraya wadanka Brazil  bisha dambe ,  ciyaaryahankan afarta jeer hantiyey abaal marinta xidiga Afrika, wuxuu si weyn u doonayaa inuu jabiyo rikoodhka Lothar Mathius iyo Antonio Carbajal ee  ka qayb galida tirade ugu badan ee koob aduun ah , kuwaasoo saftay shan koob aduun.

“Waxaan doonayaa inaan ciyaaraha sii wato, waayo, maskax iyo jidh ahaanba waan u fayo qabaa.’’ Ayuu yidhi.

“Sidaas darted waxaan doonayaa inaan u ambabaxo ka qayb galka koob aduunkan , iyo ka xigaba, markaas oo da’daydu noqonayso 37 jir, ciyaaryahano badan baa 42 jir kaga qayb gallay, sidaas darted aniguna waxaan sii ciyaari karaa ilaa laba koob aduun oo dambe.’’

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

Waa Kuma Xidiga Reer Brazil Ee Dunida Ku Xujeeyey Sawir uu Aad U Yar yahay.?

‘Sevilla waxay ku dagaalantay isku duubni iyo adkaysi’ – Emery

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
%d bloggers like this: