Goolhaye Iker Casillas Oo Ammaan Huwiyey Gigi Buffon

Goolhayaha sidoo kalena ah kabtanka xulka Spain Iker Casillas iyo kooxda Real Madrid Iker Casillas ayaa amaan balaadhan dusha ka huwiyey dhigiisa xulka Italy iyo kooxda Juventus Gigi Buffon, waxaana uu ka dhawaajiyay inuu kubadda cagta heerka uu gaadhay sabab u yahay saaxiibkiis Buffon sidoo kalena uu marwalba jeclaa inuu heerkiisa oo kale uu gaadho.

Labadan xiddig oo ah laba shakhsi oo guusha saaxiib la ah sidoo kalena in ka baddan 300-kulan oo heer caalami ah ayay ciyaareen isku darkooda dhanka xulalka qaramada. Iker Casillas oo la hadlayay website-ka UEFA wuxuu yidhi “Gigi Buffon waxaan u hayaa xushmad weyn sidoo kalena waa laacib marwalba aan jeclahay inaan ku daydo, heerka aan maanta taaganahay isaga ayaa sabab u ah maadaama uu marwalba ii yahay shakhsi i dhiiri-geliya, waayo waxa u qabsoomay isaga ayaan jeclahay inay anigana ii qabsoomaan”.

Hogaamiyaha kooxda Madrid ayaa hadalkiisa sii raaciyay isaga oo weli amaanaya Buffon “Aniga iyo isagu isku mid ayaan nahay waayo 17-sanno iyo 18-sanno ayaan ku bilawnay inaan saaxada garoomada ka soo muuqano, welina waxaan nahay laba shakhsi oo heer sarre ciyaari kara waana darajo noo gaar ah, marwalba oo aan fursad isku helno waan wada sheekaysanaa waxaana nahay laba shakhsi oo saaxiibo ah, mana nihin laba qof oo xifaaltan ka dhaxeeyo”. Labadan goolhaye ayaa lagu tilmaama goolhayeyaashii ugu fiicnaa ee soo mara kubadda cagta, waxaana ay yihiin laba halyey oo ku suntan guulaha ay gaadheen xulalkooda iyo kooxahoodaba.

 

 

 

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

Masuuliyiinta Xidhiidhka Ciyaaraha Fudud Ee Somaliland Oo Xorriyadoodii Dib U Helay Iyo Sababta Markii Hore Loo Xidhay

Chicharitto Oo Jeclaaday Gabadh Lala Xidhiidhinayay Cristiano Ronaldo

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com