Everton Oo Shaacisay Dhamaystirka Saxeexa Yannick Bolasie

Kooxda Everton ayaa dhamaystirtay saxeex shan sanno ah oo ay ku iibsatay Yannick Bolasie, kaasoo ay kala  soo wareegtay kooxda Crystal Palace.

Macalin Ronald Koeman ayaa laacibkan ku bixiyay lacag dhan £25 milyan, iyadoo uu qiimihiisu kor u kici doono haddii waxqabadkiisu ciyaareed uu wanaagsanaado, isla markaana uu noqon doono £25 milyan.

Wada-hadalka ay Everton kula soo wareegtay Bolasie ayaa bilaabmay, ka dib kulankii Crystal Palace guul-darradu kasoo gaadhay dhiggeeda West Brom furitaankii horyaalka Premier League ee Sabtidii, isagoo noqday saxeexii afraad ee kooxda Everton ay xagaagan lasoo wareegto, kuwaasoo kala ah Ashley WilliamsMaarten Stekelenburg iyo Idrissa Gueye .

Tabobare Koeman ayaa doonaya inuu kooxda ku maal-geliyo lacagtii uu ku iibiyay John Stones, isla markaana uuku  xoojiyo isku-xidhka ciyaartoydiisa, waxaana hadda diiradda u saaran laacibka kooxda Sunderland Lamine Kone .

Sidoo kale waxa la filayaa in kooxda Everton ays qiimo sare ku baadi-goobaan laacibkii hore Chelsea Romelu Lukaku.

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
5/5 - 1
You need login to vote.

Wasiirka Dhallinyarada & Ciyaaraha Somaliland Oo Xilka U Kala Wareejiyay Hogaanka Cusub Iyo Hogaankii Hore Ee Xidhiidhka Kubadda Cagta + Sawirro

Rio 2016: Wariye Ka Tirsan BBC-da Oo Aflagaado Iyo Cunsuriyad Kula Kacay Kooxda Soomaaliya U Mataleysa Olombikadda…!

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com