Everton v Manchester United: Saadaasha Line Up-ka iyo Warbixin Kooban

Everton ayaa garoonkeeda Goodison Park ku martigelin doonta Manchester United oo uu hor kacayo tababare Louis van Gaal. Manchester United waxay ku jirtaa kaalinta saddexaad ee horyaalka Premier League waxaanay u halgamaysaa inay gasho booska labaad ama ay ku sii adkaysato kaalinta saddexaad si iyadoo aanu shaki gelin ay u soo baxdo Champions League xili-ciyaareedka dambe.

United waxay u baahan tahay in ay jawaab habboon ka bixiso guul-darradii ka soo gaadhay Chelsea toddobaadkii hore, laakiin Everton oo uu gadh-wadeen ka yahay Roberto Martinez ayaa waxa uu doonayaa in uu dhinac isaga leexiyo awoodda United oo uu guul garoonkiisa ugu dabbaal-dego.

Wakhtiga ciyaarta: Axadda 3.30pm – wakhtiga bariga Afrika

Garoonka: Goodison Park

Ciyaartii isugu dambaysay: Everton 2 Man Utd 0

Ka Daawo: www.cadalool.com

Garsoore: A Marriner

Saadaasha Line Up-ka labada kooxood

 Everton v United

Dhaawacyada:

Everton: McCarthy, McGeady, Osman, Oviedo, Pienaar, Gibson

Manchester Utd: waxa uu shaki ku jiraa oo aan la hubin in ay ciyaarayaan iyo in kale: Blind, Januzaj, Van Persie, hase yeeshee, waxa la ogyahay in ay dhaawacan yihiin: Carrick, Da Silva, Jones, Rojo.

Gool-dhaliyeyaasha:

Everton: Waxa ugu goolal badan Lukaku oo u dhaliyey 8 gool

Manchester United: waxa ugu goolal badan Rooney oo u dhaliyey 12 gool.

News Feed
Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

Mourinho: Real Madrid Ha Iska Illowdo Hazard, Waxna Igama Gelin Zidane

Fernandinho Oo Badbaadiyey Manchester City

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com