FA oo ganaaxaya Martin Skrtel

Xidhiidhka kubada cagta wadanka Ingiriiska ee magacooda loo soo gaabiyo ‘FA’ ayaa anshax marin darteed ganaax ku soo roggaya xidiga difaaca uga ciyaara naadiga Liverpool ee Martin Skrtel fal uu ku kacay iyo muran uu abuuray ciyaartii guuldarada 2-1 ka ahi ka soo gaadhay kooxdiisa naadiga Manchester United Axadii.Skrtel oo FA ganaaxayso d

Difaacyahanka reer  Slovakia ee, 30,jirka ah ayaa la arkayay isagoo la doodaya intuu ku xanaaqay goolwadaha kooxda United ee David De Gea intii lagu jiray wakhti daayaca kulankii ka dhacay Anfield.

Garsoore Martin Atkinson ayaan dhacdadan indhihiisu qabanin laakiin saddex kamid ah garsoorkii gudiga ciyaarta ahaa ayaa isku raacay inay u qalantay in kaadh ka casaanka ah la siiyo Skrtel.

Saddexda garsoore ayaa go’aankan soo saaray kadib markii ay dib u daawadeen muuqaaladii laga kaydiyey ciyaarta.

Go’aanka FA ayaa la filayaa inuu noqdo saddex ciyaarood oo muhiim u ah Liverpool inuu ka maqnaado laacibkan difaaca ahi , kuwaas oo laba kamid ah uu sidoo kale Steven Gerrard-na ka maqan yahay.

News Feed
Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
5/5 - 1
You need login to vote.

Enrique Oo Ammaan Kala Daalay Suarez

Gareth Bale Oo Taageerayaal Cadhaysani Weerareen

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com