8:33 am - Saturday August 19, 2017

Fabio Coentrao Oo Koobka Aduunka Laga Saaray

Aidarous

Laacibka kooxda Real Madrid ee Fabio Coentrao ayaa sidaas kaga hadhay ciyaaraha koobka aduunka ee ka socda Brazil , kadib markii uu ku dhaawacmay kulankii Germany xulkiisa kaga adkaatay 4-0 ee Maalintii doraad.

Ciyaartu markii ay dhamaatay , ayaana si ku meel gaadh ah u shaaciyey Doctorka Xulka Portuqal in Coentrao iyo laacibka kale ee Hugo Almeida ay ku dhawaad 10 cisho u jiifi doonaan dhaawacyada soo gaadhay.

“Fábio Coentrão iyo Hugo Almeida waxay ka maqnaan doonaan ciyaaraha ugu yaraan 10 cisho” – sidaas waxaa saxaafada u sheegay Dhakhtarka khaaska ah ee xulka Portugal doctor Henrique Jones.

Laakiin xallay ayaa si rasmi ah loogu dhawaaqay in difaacyahanka Xulka Portaqiisku sidaas kaga baxay ciyaarahan inta ka dhiman dhaawacaas muruqa ah dartiis.

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

Belgium oo Durduro Ku Dhaafay Algeria

Brazil Iyo Mexico Oo Maryo Dhiigleh Kala Furtay Isna Mari Waayay

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
%d bloggers like this: