3:16 pm - Thursday January 20, 7803

Fabregas Oo Axadda Ka Hor Tegaya Arsenal, Dareenka Wenger Iyo Cadhada Ka Horreysa

278 Viewed Abdiwahab Ahmed Comments Off on Fabregas Oo Axadda Ka Hor Tegaya Arsenal, Dareenka Wenger Iyo Cadhada Ka Horreysa

 

Xiddiga Chelsea ee Cesc Fabregas ayaa Axadda soo socota ka hor tegi doona kooxdiisii hore ee Arsenal, iyadoo ay labada kooxood u ballansan yihiin ciyaartoodii ugu dambaysay xilli-ciyaareedka oo ka dhici doonta garoonka Emirates ee magaalada London.

Laacibka Khadka dhexe ee kooxda Buluugga ah ayaa isagoo xidhan garanka Chelsea dib ugu laaban doona kooxdiisii hore ee Arsenal, waxaana kaga horreeya dareenno isku qasan oo ay u muujin doonaan taageereyaal nacayb u qaaday intii uu Chelsea ku biiray iyo kuwo weli ixitiraam u haya.

Tababaraha Arsenal, Wenger ayaa taageereyaasha ka cosaday in ay ixtiraamaan ciyaartoygoodan hore, waxaanu yidhi: “Waxa aan doonayaa in Cesc la ixtiraamo sida ciyaartoy kasta oo hore oo u soo ciyaaray kooxda. Wuu u qalmaa in aad ixtiraamtaan, waa ciyaartoy wanaagsan.” Ayuu yidhi Wenger.Fabregas

Qaar ka mid ah taageereyaasha mayalka adag ee Arsenal ayaa ka dalbaday in sawir uu leeyahay Cesc Fabregas oo ku yaalla garoonka Emirates laga jaro ka hor ciyaarta Axadda, waxaanay taasi dibedda soo dhigtay in halkaas ay kaga horreyso cadho iyo colaad uu kala kulmi doono qaar ka mid ah taageereyaashiisii sacabka u tumi jiray sannado ka hor.

Dhinaca kale, waxa jira taageereyaal kale oo isku diyaarinaya in ay soo dhoweeyaan ciyaartoygoodan hore waxaanay toddobaadkii hore ciyaartii Arsenal soo qaateen boodhadh ay ku qoreen ereyo ay ku soo dhoweynayaan Cesc Fabregas.

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

Video: Dib U Daawo Dhacdooyinkii Ugu Muhiimsanaa Ciyaartii Real v Atletico

Champions League: Isku Aadka Jimcaha, saadaasha iyo Toddobaad Kadib Oo La Ciyaari Doono

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com