Fabregas Oo London Gaaf-wareegaya Iyo United Oo Meel Kuuma Hayno Ku Tidhi

Xidiga khadka dhexe ee kooxda Barcelona, Cesc Fabregas ayaa sawiro laga qaaday, isagoo kula cashaynaya xaaskiisa Daniella Semaan mid kamid ah hudheelada cuntada ee caasimada wadanka Ingiriiska ee London, wakhti ay kooxdii sida weyn u doonaysay ee Manchester United ka noqotay dalabkeedii.

Fabregas, oo 27,jir ah ayaa ka cuntaynayay xiliga sawirada laga qaaday hudheelka Chiltern Firehouse restaurant ee ku yaala London, iyadoo la ogyahay in laacibkan khadka dhexe uu isu diyaarinayo in lagu soo daro xulka kama dambeysta ah ee wadanka Spain uga qayb gallaya koobka aduunka.

Waxa isku mar soo baxay oo isku beegmay, Sawiradan ciyaaryahanka lagaga dhex qaaday isagoo gaaf wareegaya London  iyo warka sheegaya  in tabaraha cusub ee loo doortay kooxda Manchester United ee Louis Van Gaal aanu doonayn inuu heshiis la saxeexdo labada ciyaaryahan ee Fabregas oo Barcelona ah iyo Toni Kroos oo naadiga Bayern Munich ah.

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

Mascherano: Culaysku Messi oo kaliya Ma Saarna

Pele : Brazil Waa Inay Iska Celisaa Spain

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com