11:41 pm - Sunday July 23, 2017

Falcao Wuu Ka Qayb-gallayaa Ciyaaraha Koobka Aduunka : Dhakhtarka Qalliinka U Sameeyey

Aidarous

FalcoaDhakhtarka qaliinka u sameeyey ciyaaryahanka Radamel Falcao ayaa Sheegay inuu rumaysan yahay in xidiga qaranka Colombia uu caafimaadkiisu taam noqon doono ka hor ciyaaraha koobka aduunka ee Xagaaga sanadkan ka furmi doona wadanka Brazil.

Waxa lagu tilmaamay in rajada weeraryahanka kooxda Monaco ee ka qayb galka koobka aduunku ay yartahay kadib markii uu dhaawac soo gaadhay kulan horyaalka Copa de France ku tirsan.

Si kastabase ha ahaatee, Jose Carlos Noronha oo ah dhakhtarka qaliinka ku sameeyey ciyaaryahankan ayaa qaba in Falcao ciyaaraha ku soo noqon doono ka hor bisha June ee uu sida rasmiga ah u bilaabmayaan ciyaaraha koobka aduunka.

“Marxaladuhu wey kala duwan yihiin, laakiin wakhtigan waxay xaaladiisu u socotaa dhinicii wanaagsanaa.” Ayuu Dhakhtarku ku yidhi jariidada L’Equipe oo waraysi la yeelatay.

“Waxaan rumaysanahay inuu ciyaari doono ciyaaraha koobka aduunka , mana jirto sabab aan uga dayriyaa.”

Falcao ayaa shabaqa taabsiiyey 20 gool , 51 kulan oo uu u saftay qarankiisa Colombia, oo ku jira hormada C oo ay ku weheliyaan qaramada , Greece, Ivory Coast iyo Japan

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

Wenger Oo Wax Laga Naxo Ku Tilmaamay Dhaawaca Ozil

“Bayern Waxay Noqon Doontaa Mid Aan La Daawan Karin Sida Barcelona” – Beckenbauer

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
%d bloggers like this: