3:16 pm - Tuesday January 20, 5114

Farah breaks indoor world record – Mo Farah Oo Jebiyey Rikoodhkii Dunida ee Orodka 2-da Mile

424 Viewed Aidarous Comments Off on Farah breaks indoor world record – Mo Farah Oo Jebiyey Rikoodhkii Dunida ee Orodka 2-da Mile

Orodyahanka Maxamed Faarax ayaa ku guuleystay orodka labada mayl ee Birmingham Indoor Grand Prix kuna dhamaystiray 8 daqiiqo iyo 34 ilbidhiqsi.

Maxamed Faarax oo ay maalmahan baraha bulshada isugu jawaabayeen orodyahanka Ingiriiska asal ahaan ka soo jeeda ee ay isku wadankana u wada ordaan ee Andy Vernon oo cunsuriyad cadaan ah kula kacay balse ay dunidu indhaha ka qarsatay, ayaa kaga jawaabay guushan wax ku oolka ah ee uu xallay ku gaadhay magaalada Birmingham ee cariga Ingiriiska inuu yahay orodyahanka caalamka ee xiligan.

Daawo Muuqaalkii Oo Dhamaystiran

Markii uu ordayay 400 mitir ayay cadaatay in Mo Farah jebinayo rikoodhkii aduunka ee uu orodkan loo yaqaano Indoor Grand Prix 2008 dii u dhigay orodyahanka reer Kenya ee Kenenisa Bekele.

Bekele ayaa 2008 dii ku dhamaystiran orodka Labada Mayl ah, 8 daqiiqo iyo 4.35 ilbidhiqsi halka ay Mo Farah kaga qaadatay, 8 daqiiqo iyo 03.40 ilbidhiqsi kaas oo ah rikoodh cusub oo uu dunida u dhigay.

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
5/5 - 1
You need login to vote.

“Ha iga qoslin xaalad aan qoslo kuma jiree” – Jose Mourinho

Gool-haye Kooxdiisa Bad-baadiyey Taariikhdana Gallay

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com