Feedhyahan Layska Celin Kari Waayey Oo Lagu Daray Diiwaanka Dunida

Mikey Garcia waa feedhyahan cajiib ah, waxaana uu is muujiyey Sabtidii markii loo caleemo saaray inuu qaaday guusha feedhkiisii 4aad ee uu hantiyo billad dahab ah, taas oo buuxisay tirada afar feedh oo kala miisaan culus oo uu mid walba suunka dahabka ah gacanta ku dhigay.

Mike Garcia waxa uu toddobaadkan kula ciyaaray magaalada San Antonio ee gobolka Texas ee dalka Maraykanka, feedhyahanka u dhashay Ruushka ee lagu magacaabo Sergey Lipinets, waxaana uu halkaas ku gaadhay guusihiisii 38aad intii uu feedhka ku jiray.

Ciyaartan oo si toos ah looga daawanayey shabakadaha ciyaaraha ee Cadalool.net iyo Cadalool.com ayaa waxa dhulka loogu tuuray Lipinets oo 28 jir ah, kaas oo markiisii koowaad la kulmay guul-darro intii uu ku jiray feedhka miisaanka fudud ee IBF.

Garcia oo 30 jir ah, waxa uu ku biiray buugga lagu ururiyo feedhyahannada taariikhda galay, waxaana uu ku biiray Manny Pacquiao iyo Juan Manuel Marquez oo hore ugu soo wada guuleystay feedhka miisaanka kala duwan ee loo yaqaano light-welterweight, lightweight, super-featherweight iyo featherweight oo ay suun dahab ah mid walba ku qaateen.