Ferguson: “Messi Kama Ciyaaro Karo Meel Kasta Oo Cristiano Ka Ciyaaro … Barca Ayuun Buu Ciyaartoy Ku Yahay”

Tababarihii hore ee Manchester United, Sir Alex Ferguson ayaa sheegay in Messi uu yahay wax-soo-saarkii Barcelona oo nadiif ah kaas oo weli ku sugan halkii uu ciyaaraha

Messi iyo Ronaldo waxay ku guuleysteen xiddiga sannadka toddobadii sannadood ee ugu dambeeyey, iyadoo uu Messi qaatay afar jeer, halka uu Ronaldo haysto saddex, waxaanay tani muujinaysaa in ay labadoodu maamulaan kubadda cagta ee wakhtigan, walina aanay jirin cid kale oo soo baxday oo loo saadaalin karo in ay kala wareegi karto xiddignimada sannadkan.

Ronaldo wakhti hore oo sannadka ah ayey tirada uu sannadkan kooxdiisa u dhaliyey kor u dhaafeen 50 gool, iyadoo Lionel Messi uu dib u soo noqday isla markaana aanu waxba ka hoosaynin Cristiano.

Haddaba, Ferguson oo tababare u ahaa Cristiano Ronaldo muddo lix sannadood ahayd oo uu ciyaartoygani joogay Manchester United oo uu badhtamihii sannadkii 2009 ka tegay isagoo ku biiray Real Madrid, ayaa waxa uu aaminsan yahay ruug caddaagani in uu Cristiano yahay ciyaartoy dhamaystiran marka la barbar dhigo Messi.

Ferguson oo la hadlayey BBC Sports, ayaa waxa uu dooddiisa ku bilaabay: “Ronaldo waa nin adag. Dadku waxay is-weydiiyaan cidda uu yahay ciyaaryahanka sannadka, dad badan oo kale waxay ku tilmaamaan Messi. Iskuma khilaafi kartaan fikirkiina.

“Laakiin Xaqiiqada Ronaldo waxa weeyaan, in Ronaldo uu u ciyaari karo kooxaha Millwall, QPR, Doncaster Rovers ama koox kasta oo kale oo uu u dhalin karo saddexley (hat-trick), laakiin ma hubo in Messi uu sidaas yeeli karo.” Ayuu yidhi.

“Ronaldo wuxuu isticmaalaa laba lugood, aad ayuu u dheereeyaa, madaxa ayuu ku fiican si fiican oo geesinimo leh u isticmaalaa isagoo hawada ku jira, taas oo Messi sidoo kale uu geesi ku yahay. Waxay ila tahay Messi waxa uu ciyaartoy ku yahay Barcelona oo kaliya.” Ayuu raaciyey.

Ferguson oo gacanta ku hayay Ronaldo illaa intii ay da’diisu gaadhaysay 26 jirka, ayaa waxa uu ku sifeeyey xiddiga reer Portugal horumarkii ugu weynaa ee uu gaadhay intii uu kubadda cagta ku jiray.

“Ronaldo waa horumarkii ugu weynaa ee aan waligay sameeyey, waxaanu iigu yimid Manchester United isagoo dhuuban oo carruur ay da’diisu tahay 17 jir ah. Waxa uu yaqaanay in uu istuuro taas oo uu dhalleecayn kala kulmi jiray, laakiin marka uu tababarka samaynayo waxa uu ahaa ciyaartoy cajiib ah.

“Waxa ugu muhiimsan ee ciyaartoy weyn laga rabaa waa go’aan qaadasho, taas ayaana horumartay intii Ronaldo uu joogay Old Trafford. Isaga, Paul Scholes iyo Ryan Giggs, waa saddexdii ciyaartoy ee ugu fiicnaa ee aan waligay tababaray. Bryan Robson iyo Roy Keane iyo Eric Cantona ciyaartooyo wanaagsan ayay iyaguna ahaayeen, laakiin may gaadhin heerkan oo kale.” Ayuu hadalkiisa ku soo gunaanaday.

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

UEFA Oo Isbeddel Ku Samaynaysa Sharciga Isku-Aadka Champions League Ee Groups-Ka Iyo Saamaynta Uu Keenayo

Maalin Murugo Ah: 17 Ciyaartoy Oo Shalay Ku Dhintay Buur Ay Fuulayeen

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com