8:54 am - Monday May 29, 2017

Ferguson Oo Booqday Ciyaartoyga Manchester Iyo Mourinho Oo Ka Hadlay

Abdiwahab Ahmed

Tababaraha kooxda Manchester United, Jose Mourinho ayaa daaha ka qaaday in dhawr jeer uu ku soo dhaweeyay goobta ay kooxdu ku tababarato Sir Alex Ferguson oo ah macallinkii hore ee kooxda, arrintaasina ay dhacday xilli-ciyaareedkan.

Ferguson ayaa shaqada ka fadhiistay sanadkii 2013-kii isaga oo ah tababarihii ugu wanaagsanaa ee kooxda soo mara

74 jirkan ayaan intaas ka dib booqanin xarunta tabobarka kooxda ee Carrington.

Mourinho ayaa jariiradda United We Stand fanzine u sheegay in aanu Alex ku soo noqonin goobta tababarka balse uu isagu keenay si uu dadkiisa ula kulmo.

Wuxuu intaas ku daray in uu doonayay in ciyaartoydu ay arkaan ninkan magaca ku leh kooxda ayna labadoodu wakhti isla qaataan oo isla qadeeyaan, ayna labadooduba ku raaxaysteen arrintaas.

Mourinho ayaa sheegay in uu ixtiraamo taariikhda uuna ogyahay in Alex uu kooxda jecel yahay.

Mourinho ayaa noqonaya macallinkii saddexaad tan iyo intii uu xilkaas ka tagay tabobarahoodii wakhtiga dheer, waxaana shaqada laga eryay David Moyes iyo Louis van Gaal.

26 kii sano ee Alex uu kooxda tabobarayay wuxuu United u soo hoyiyay 13 koob oo horyaalka Ingiriiska ah, labo koob oo Horyaaalka Yurub ah, shan koob oo FA ah iyo afar koob oo League Cups ah.

News Feed
Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!

Manchester City Oo Kusoo Noqotay Kaalinta Labaad Ee Horyaalka Premier League, Kaddib Guushii Hull City

Ciyaartooyga sida Lama Filaanka ah uga tegaya Kooxahooda: Sanchez, Griezmann iyo Aubameyang Oo Ugu Horreeya

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com