6:41 pm - Monday August 21, 2017

Fifa Oo Haweenka Islaamka U Ogolaatay Inay Ku Ciyaari Karaan Masarka (Asturnaanta Timaha)

Aidarous
sanadkii 2011-kii, ciyaaryahanada haweenka ee xulka Iran ayaa laga diiday inay garoonka ku galaan masaradooda iyagoo xidhan, ciyaar isreeb reebka ciyaaraha Olympica ahayd oo ay la lahaayeen xulka qaranka Jordan

Xidhiidhka Kubada cagta aduunka ee Fifa ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay in sababo diimaha la xidhiidha awgeed , loo ogolaaday xidhashada masarka madaxa lagu xidho ee ciyaaryahanada xiliga ay ciyaarayaha ka qayb gallayaan.

Sharciga ogolaanshaha ayaa lagaga dhawaaqay, fadhi ay u dhamaayeen xubnaha golaha fulinta ee xidhiidhka kubada cagta aduunka (the International Football Association Board (IFAB) oo ka dhacay xaruntooda magaalada Zurich, go’aanka oo saamaynaya wiilasha iyo gabdhaha ciyaaryahanada ah oo dhan.

Masarka madaxa ayaa hore looga mamnuucay ciyaaraha, laakiin tijaabo la bilaabay 2012 kii ayaa u muuqata mid guul laga gaadhay maadaama la fasaxay xidhashada.

“Waxaa go’aan lagu gaadhay in haweenka ciyaaryahanada ahi xidhan karaan masarka lagu daboolo timaha wakhti ay ciyaarayaan,” ayuu yidhi xog-hayaha guud ee ururka Fifa Jerome Valcke.

“Ciyaaryahanada raga ahina sidoo kale wey ku ciyaari karaan duubka madaxa. waxa la ogol yahayna waa masarka caadiga ah ee midabkiisuna lamidka yahay dirayska kooxda .”

sanadkii 2011-kii, ciyaaryahanada haweenka ee xulka Iran ayaa laga diiday inay garoonka ku galaan masaradooda iyagoo xidhan, ciyaar isreeb reebka ciyaaraha Olympica ahayd oo ay la lahaayeen xulka qaranka Jordan.

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
5/5 - 1
You need login to vote.

Ciyaaryahanada Somaliland U Matali Doona Tartanka Kubada Koley-ga Ee Badhtamaha & Bariga Afrika Oo La Soo Saaray

Mourinho Ka Qosliyey Warbaahin Wax Ka Weydiisay Guuldaradii PSG

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
%d bloggers like this: