FIFA Oo Ku Dhawaaqday Tirada Dadkii Daawaday Ciyaartii Faransiiska iyo Belgium

Xidhiidhka kubadda cagta adduunka ee FIFA ayaa shaaciyey tirada dadkii daawaday ciyaartii Faransiiska iyo Belgium ee semi-finalka Koobka Adduunka.

Ciyaartan oo ka dhacday garoonka weyn ee St. Persburg Stadium ee magaalada St. Perersburg ee waddanka Ruushka ayaa waxa 1-0 ay guushu ku raacday France oo u gudbay ciyaarta finalka, waxaana goolkaas madax ku dhaliyey Samuel Umtiti oo difaaca uga dheela France.

Garoonka quruxda badan ee ay ciyaartu ka dhacday ayaa waxa ku yaalla 64,468 kursi oo loogu talo-galay inay dadku fadhiistaan, hase yeeshee waxa gebi ahaanba cammirmay garoonka marka laga reebo in ka yar 200 kursi oo bannaanaa.

Sida ay FIFA ku shaacisay barteeda Twitterka, waxa garoonka ciyaarta si toos ah uga daawaday dad tiradoodu dhamayd 64,286 qof, taas oo ka dhigan in 182 kursi oo kali ah ay bannaanaayeen.

Si kastaba ha ahaatee, garoonkan ayaa martigelin doona ciyaarta loogu tartamayo kaalinta saddexaad oo Sabtida dhex mari doonta Belgium iyo midka laga badiyo Croatia iyo England.


 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.




Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com