FIFA Oo Qaraxyo Lahore Ka Dhacay Darteed U Baajiyey Ciyaar Isreeb-reeb Koob Aduun Ah

Lahore-explosion-blast-police-lines-terrorism_2-17-2015_175385_lZURICH: Xidhiidhka kubada cagta caalamka ee FIFA ayaa baajiyey oo dib u dhigay ciyaar ku tirsanayd isreeb reebka koobka aduunka 2018 ka oo dhex mari lahayd xulalka qaramada Pakistan iyo Yemen kadib markii qaraxyo waaweyni gilgileen magaalada Lahore ee wadanka Pakistan Salaasadii, Sidaa waxaa daboolka ka qaaday af-hayeen u hadlay FIFA.
“Sababo amaanka iyo nabad gelyada la xidhiidha iyo wadashaqaynta ka dhaxaysa xidhiidhka kubada cagta Asia ee AFC (Asian Football Confederation), FIFA waxay go’aan ku gaadhay in la baajiyo ciyaarta isreeb reebka koobka aduunka 2018 ka ee ay ahayd inay dhex marto qaramada Pakistan iyo Yemen taas oo qorshaysnayd in la ciyaaro Salaasadii, March 17, laguna ciyaari lahaa magaalada Lahore,” ayuu yidhi Af-hayeenka FIFA u hadlayay.Pakistan vs yemen 1
“Faah-faahinta ku saabsan maalinta iyo saacada kulankaasi qabsoomi doono, kaas oo lagu ciyaari doono garoon dhex-u ah labada xul qaran, wakhti dambe ayaa laga soo sheegi doonaa.”

Go’aankan FIFA ayaa imanaya maalin kadib markii 16 qof ku naf waayeen, 70 kalana dhaawacyo kala duwani ka soo gaadheen, qof ka tirsan kooxda Taliban oo walxaha qarxa ku gaashaamani ku qarxay kiniisad ku taala magaalada Lahore, Baabuur kale oo isna la qarxiyeyna uu galaaftay nolosha 2 qof oo kale.

Ururka Talibanta Pakistan ee magacooda la yidhaahdo Jamaat-ul-Axrar ayaa sheegtay inay ka dambeeyeen is miidaamintaas dadka badani ku naf waayeen.lahore-new-thumb

News Feed
Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

Iniesta: Messi Ayaa Kala Daadin Doona Manchester City

Cristiano Ronaldo, Paul Pogba iyo Gareth Bale Oo Ka mid noqday liiska ciyaartooyo ay Manchester City Dooneyso

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com