Fifa Oo Shaacisay Afarta Musharax Ee U Tartami Doona Madaxweynaha FIFA

2015 Ma Noqon Doonaa Sannadkii Carabtu Maamuli Lahayd FIFA?

Sepp Blatter

Sepp Blatter

Xidhiidhka kubadda cagta adduunka FIFA ayaa si rasmi ah u shaaciyey liiska kama dambaysta ah ee murashaxiinta u tartami doona madaxweynenimada xidhiidhka, kuwaas oo uu ugu horreeyo Sepp Blatter oo markii shanaad doonaya in loo doorto hoggaaminta xidhiidhka kubadda cagta ee dunida.

Luis FigoSepp Blatter, Luis Figo, Pince Ali Bin Al Hussein iyo Michael van Praag ayuu xidhiidhku shaaciyey in ay tartanka geli doonaan, kuwaas oo aakhirka midkood laga dhex dooran doono.

Prince Ali

Prince Ali

Sepp Blatter oo ah ninka ugu cadcad ayaa waxa markii ugu horreysay loo doortay madaxweynaha xidhiidhka FIFA sannadkii 1998kii waxaana illaa muddadaas waxa dib loo doortay saddex jeer oo kale, waxaase muddoyinkii u dambeeyey uu la darsay dhalleecayn musuqmaasuq iyo wax is-dabamarin uu xidhiidhku caan ku noqday.

Praag

Praag

Kaddib maalmo la kala rifayay oo la hubinayay murashaxiinta, waxa aakhirkii maalintii Isniinta la shaaciyey in ay tartankaas geli doonaan xiddigii reer Portugal ee Luis Figo, Guddoomiyaha xidhiidhka waddanka Holland (KNVB) Michael van Praag iyo madaxweyne ku-xigeenka wakhtigan ee FIFA Prince Ali Abin Al Hussein.

War-saxaafeed ay FIFA ku shaacinaysay murashaxiinta ayaa waxa ay u dhignayd sidan:

“Iyada oo la raacayo shuruudaha iyo waajibaadka aasaasiga ah, guddida doorashadu waxay maanta (Isniin 9 February 2015) si rasmi ah u shaacinayaan murashaxiinta buuxiyey shuruudaha doorashada ee u tartami doona xafiiska madaxweynaha FIFA ee lagu dooran doono shirka Koongareeska ee Zurch 29 May 2015”

“Murashaxiinta la shaaciney waxay kala yihiin Joseph S. Blatter (Switzerland), HRH Prince Ali Bin Al Hussein (Jordan), Luis Figo (Portugal) and Michael van Praag (The Netherlands), oo mid walba baadhitaan madax bannaan uu ku sameeyey guddida Anshaxa iyaga oo raacaya qodobada 8, 1€ iyo qododbka 15. 2 ee shruucda doorashada madaxtinimada FIFA.”

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

Wasaaradda Ciyaaraha Somaliland Oo Lagu Eedeeyey Xil Gudasho La’aan

SAWIRRO: Dooggii La Dhigayay Hargeisa Stadium Oo Garoonka La Geeyey Iyo Shaqadii oo la bilaabayo

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com