160406050550_gianni_infantino_fifa_512x288_getty_nocredit

Madaxweynaha FIFA, Gianni Infantino ayaa soo bandhigay qorshe cusub oo uu ku doonayo in 48 dal laga dhigo xulalka ka qayb gelaya tartanka ugu xiisaha iyo xallada badan kubbada cagta ee koobka Aduunka.

Markii hore, wuxuu doonayay in ilaa iyo 40 xul qaran laga dhigo, laakiin waxa uu hadda sheegay in tiro intaa ka badan ay haboon tahay.

Sida uu xusay, 46-sano jirkan u dhashay wadanka Taliyaanigu, 16 qaran waa inay ku hadhaan wareegga koobaad ee isreeb-reebka hormooyinka (Groups-ka).

“Qeybaha kale ee tartankuna waa inay noqdaan sida hadda ay yihiin ee 32 ka xul ay ka qeyb galaan.”

Infantino ayaa intaasi ku daray in go’aanka ballaadhinta la gaadhi doono bisha January ee sanadka soo socda.

“Kuwani waa fikrado lagu raadinayo talada ugu wanaagsan,” ayuu yidhi, wuxuuna intaa ku daray “waxaan ka doodi doonnaa bishan, go’aankuna wuxuu soo bixi doonaa 2017-ka”,

Gudoomiye, Infantino ayaa maamulka xidhiidhka Kubadda Cagta dunida ee FIFA la wareegay bishii February ee sanadkan.

Waxyaabaha loo xushay hogaankiisa waxaa ka mid ah ballaadhinta qaramada ka qayb gala ciyaaraha kubadda cagta ee dunida oo uu doonayay in 40 la gaadhsiiyo.

“Waxaan ula jeedaa, waa inaan sidii hore ee caadiga ahayd raacnaa oo 32 kooxood ah, laakiin waa in 48 kooxood ay qaybta hore ee tartanka ka qayb galaan”,

“Aragtida FIFA waa in ciyaaraha kubadda cagta ee dunida la hor-mariyo. Koobka dunidu waa tartanka ugu wayn, tartan mid ku kooban ma aha oo wuu ka ballaadhan yahay, waa munaasabad is dhex gal bulsho,” ayuu yidhi mudane, Infantino.