Fiorentina, Napoli, Sevilla iyo Dnipro oo iska xaadiriyey Semi Finalka Europa League

Afarta kooxood ee Fiorentina, Napoli, Sevilla iyo Dnirp ayaa u gudbay wareegga afar dhamaadka Europa League, kadib markii ciyaaro ay ku rafteen ay ku soo garaaceen kooxaha Dynamo Kyiv, Wolfsburg, Club Brugge iyo Zenit.

Afartan kooxood ayaa isu diyaarinaya in ay Jimcaha u baqoolaan magaalada Nyon oo uu ka dhacayo qori-tuurka wareegga afar dhamaadka ee tartanka Europa League iyo waliba Champions League.

Kooxahan oo afar ka mid ah ay ka dhisan yihiin waddanka Italy, mid Spain ah iyo mid Ukraine ka timid, ayaa waxa magacyadooda oo duuduuban lagu dhex ridi doonaa quraarad weyn oo kadibna la walaaqi doonaa, waxaana la isugu hagaajin doonaa min laba, halkaas oo lagu ogaan doono koox walba naadiga ay la ciyaari doonto.

Isku-aadka ayaa la samayn doonaa 12:30pm saacadda bariga Afrika, waxaana looga dheg taagayaa daawashada isku aadka meelo badan oo dunida ah.

Shabakadda www.cadalool.com waxay u ballan qaadaysaa akhristeyaasheeda in ay si toos ah uga daawan doonaan isku-aadka.

 

 

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
5/5 - 1
You need login to vote.

Champions League: Isku Aadka Jimcaha, saadaasha iyo Toddobaad Kadib Oo La Ciyaari Doono

Somalia: Xidhiidhka Kubadda Cagta Oo AMISOM Ka Dalbaday Inay Ka Guuraan Garoonka Muqdisho Stadium

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com