Firmino Iyo Salah Oo Guul Farxad Leh U Gacan Geliyey Liverpool, Southampton Oo Xiddigaheedii Hore Ee Mane Iyo Lallana Ay Waxba Ka Dhalin Kari Waayeen Iyo Jamaahiirta Oo Ku Qayliyey Van Dijk

Liverpool ayaa ku jiqsiisay Manchester United oo laba dhibcood oo kaliya ay ka dambayso, kaalinta saddexaadna isku ballaadhisay, kaddib markii ay 2-0 kaga adkaatay Southampton oo ay marti u ahayd.

Roberto Firmino iyo Mohamed Salah ayaa guul raaxo leh u horseeday Liverpool, goolal yimid qaybtii hore.

Weeraryahanka reer Brazil ee Firmino ayaa goolka koowaad u dhaliyey Liverpool daqiiqaddii 20-aad kaddib markii uu Salah meel cidlo ah ugu dhiibay kubbad rogaal celis ah oo uu ku kadiyey difaaca Southampton.

Southampton ayaa markaas kaddib weerarro badan ku qaadday goolka Liverpool, waxaase laba ka mid ah oo halis ahaa badbaadiyey goolhaye Loris Karius oo kaydka geliyey Mignolet.

Mohamed Salah ayaa daqiiqaddii 42aad ee ciyaarta dhaliyey goolka labaad ee Liverpool, waxaana uu noqday goolkiisii 29aad ee uu u saxeexay Reds 36 kulan oo uu u saftay xili ciyaareedkan iyo waliba goolkiisii 22aad ee horyaalka Premier League oo uu ka horreeyo Harry Kane oo kaliya.

Liverpool ayaa iska khasaarisay fursado kale oo badan oo ay goolal ku dhalin karaysay qaybta hore oo ay si aad ah gacanta ugu haysay ciyaarta, qaybta labaadna waxay samaysay fursado badan oo intooda badan uu khasaariyey Sadio Mane oo doonayey inuu gool ka dhaliyo kooxdiisii hore ee Southampton.

Adam Lallana oo beddel kusoo galay qaybta labaad ayaa sidoo kale ku dedaalay inuu soo taabto shabaqa kooxdiisii hore ee Southampton, hase yeeshee waxba kamay suurtogelin, waxaanay ciyaartu ku dhamaatay 2-0 ay guushu ku raacday Liverpool.

 

 

Degganaantii Van Dijk

Difaayahanka dunida ugu qaalisan ee Virgil van Dijk oo Liverpool ay dhowaan kaga iibsatay Southampton 75 milyan oo Gini ayaa kulankiisii ugu horreeyey ka hor tegay kooxdiisii hore ee Southampton, isaga oo dhex istaagay garoonka St Mary’s oo uu ku yaqaanay iyadoo sacabka looga tumayo, hase yeeshee waxa uu ugu tegay jewi kale.

26 jirkan reer Holland waxa uu muujiyey degganaan iyo in aanay saamayn ku yeelanin taageereyaasha tirada badan ee ku orinayey, maadaama aanay jeclaysanin qaabkii uu uga tegay.

Waxa uu badbaadiyey kubbado badan oo halis gelin karayey shabaqa Liverpool, qaab ciyaareedkiisuna guud ahaan waxa uu ahaa mid wanaagsan, kaas oo uu ku muujiyey inuu u qalmayey lacagta laga bixiyey.

Guushani waxay Liverpool u gacan gelisay inay farxad ku gaadho 54 dhibcood iyo kaalinta saddexaad, waxaanay laba dhibcood oo kaliya ka hoosaysaa Manchester United oo kaalinta labaa ku jita, halka Man City ay 18 dhibcood ka sarrayso.


 


Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.