Florentino Pérez Oo Laga Cabsi Qabo In Uu Iska Casilo Real Madrid

Perez

Madaxweynaha kooxda kubadda cagta Real Madrid, Florentino Pérez ayaa laga cabsi qabaa in uu qaato go’aan la mid ah kii uu January 2006 qaatay kadib markii ay kooxdiisu guul darro kala kulantay ciyaar dhex martay Mallorca 12-kii January 2006.

Sida uu qoray wargeyska AS, Wakhtigaas waxa Real Madrid uu u ahaa mid aanay illoobi kariin, iyadoo Mallorca oo meelaha hoose ku jirtaa inta ay ku soo booqatay garoonkeeda ay dhulka la dhacday naadi ciyaartooyada dunida ugu magaca weyni u ciyaarayay. Waxa ciyaartaas magac xumo kala kulmay Helguera iyo Michel Salgado oo isku faro saari gaadhay garoonka dhexdiisa. Waxa adkaatay in la xakameeyo ciyaartooyada, kadibna jawaabtii maamulku waxa ay noqotay in uu xilka dhiibo Florentino Pérez.

Bishii January ee hadda dhamaatay ayaa dib u xasuusisay kooxdaas taariikhdaas 9 sannadood ka hor dhacday, waxaana soo baxaya warar sheegay in Florentino Pérez is casili doono haddii ay ciyaartooyadu guul gaadhi kari waayaan. Koox hoos u socota, ciyaartooyada oo liita, dhalleecaynta saxaafadda oo ku socota, taageereyaasha oo ku qaylinaya ayaa waxa laga yaabaa in ay dib u soo celiyaan taariikhdaas.

Florentino Pérez iyo agaasimeyaasha kale midna ma doonayo in ay taariikhdaasi soo noqoto, laakiin haddii koox la dhisayay shanti sannadood ee u dambeeyey, lacag bandanna la geliyey ay awoodi kari weydo in ay iska dhiciso naadiyada kale, waxa la sugayaa waa taariikhdaas oo mar kale la arko.

 

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

Xulka Ivory Coast Oo Sida Geesiyaasha Loogu Soo Dhaweeyey Wadankooda – Daawo Muuqaaladii

Walcott iyo Koscielny oo Arsenal dib ugu soo celiyey Kaalinta 4 aad

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com