France Oo u xoog sheegtay 10 ciyaaryahan oo Honduras Ah

Xulka qaranka France ayaa 3-0 kaga adkaaday xulka Honduras oo ciyaarta intii badnayd ku ciyaarayay 10 ciyaaryahan oo kaliya, kulankii labaad ee Group E oo caawa ka dhacay garoonka Estadio Beira ee magaalada Rio de Janiero.

france 3 0 honduras jjjKareem Banzema ayaa ahaa xidiga Garoonka , waxaanu shabaqa dhigay gool rigoodhe ah iyo gool labaad oo uu kubad xoog ah si qurux badan ugu luxay shabaqa Honduras.

France ayaa  goolka labaad ee ciyaarta oo ay iska dhalisay Honduras , waxaa go’aamiyey Technology-yada casriga ah ee sanadkan la isticmaalayo oo ah (Goal Line Technology) kadib markii kubad uu Goolkiisa ku ganay ciyaaryahanka Noel Valladares oo birta ku dhacday line ka goolka weydaaratay , Tiknoolajiguna soo qoray inay dhalatay oo gool tahay. halka gool labaad uu soo qoray inaanay dhallan, kubad uu Banzema dhaafiyay goolwadaha oo biryta ka soo noqotay markii uu goolhayuhu ku dul qabtay Liidka goolka.

france 3 0 hondurasDaqiiqadii 43 aad ee qaybyii hore ee ciyaarta , ayaa waxa kaadhka casaanka ah laga siiyey Honduras , laacibka khadka dhexe ee kooxda Stoke City ee wadanka Ingiriiska ka ciyaara, Wilson Palacios kadib markii uu kaadh labaad oo huruud ah ciyaarta dhexdeeda ku qaatay.

Ciyaartuna waxay ku dhamaatay 3-0 ay guushu ku raacday xulka tababare Didier Deschamps ee France.

Group E oo ay ku wada Jiraan , France , Switzerland , Ecuador iyo Honduras , waxaa Badiyey oo min 3 dhibcood Leh , Faransiiska Iyo Switzerland , Labada xul ee kalana wax dhibic ah ma ay Xoogsanin.

1402862076436_lc_galleryImage_Honduras_midfielder_Wilso 1402862120230_lc_galleryImage_France_s_Karim_Benzema_ki

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.
Switzerland 2-1 Ecuador

Switzerlan oo Daqiiqadihii Lagu Daray Guul Ka Gaadhay Ecuador

Maxaa Dhacay ! France &Honduras Oo Ciyaarta Gallay Iyagoo Aan Qaadin Heestii Astaanta Qaranka

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com