Francesco Totti: “Mar Baan Ku Sigtay Inaan Ku Biiro Real Madrid”

AS Roma forward Francesco Totti celebrates after scoring during the Italian Serie A football match AS Roma vs. Parma on March 17, 2013 at Rome's Olympic stadium. AFP PHOTO / ANDREAS SOLARO        (Photo credit should read ANDREAS SOLARO/AFP/Getty Images)

Kabtanka waayihiisa u hibeeyay kooxda AS Roma ee Franceco Totti ayaa ka hadlay inuu wakhti hore uu ku sigtay inuu ku biiro kooxda reer Spain ee Real Madrid.

Totti oo shalay u dabaal-degay sannad guuradiisii 40-aad ayaa xusay in qoyskiisa iyo saaxiibadiiba ay kula taliyeen inaanu ku biirin Real Madrid sannadkii 2003-dii, isla markaana taas badelkeeda uu sii joogo kooxdiisii uu ku soo hana-qaaday ee Roma.

“Aad baan ugu dhowaa inaa inaan Real Madrid ku biiro laakiin kama qoomamaynayo inaan fursadaasi aan ka faa’ideysan waayey” ayuu Totti u sheegay Sky sports Italia.

“Qalbigayga, qoyskayga iyo saaxiibaday ayaa igula taliyey inaan sii joogo, welina halkan ayaan joogaa” ayuu sii raaciyay Totti oo isaga oo weli 40-sanno jir ah kubadda cagta sii ciyaaraya.