Franck Ribery Oo Dhirbaaxay Daniel Carvajal Kulankii Khal-khalku Ku Dhacay Bayern Ee Champions League

Franck Ribery ayaa dhirbaaxo wejiga ka saaray ciyaaryahanka difaaca kooxda Real Madrid ee Daniel Carvajal ciyaartii xallay ee Bayern Munich khal-khalku ka qabsaday Semi finel ka Champions League kadib markii -kulankii labaad 4-0 garoonkooda ay kaga badisay Real Madrid.

Ribery ayay shaashaduhu television baahiyeen isagoo dhirbaaxaya Carvajal qaybtii hore ee ciyaarta dhexdeedii ciyaartii ka dhacday garoonka Allianz Arena, dhacdadaas oo aan garsoorku arkaynin maadaama xamaasad darani ka jirtay garoonka.

Laacibkan 31 jirka ah ayaa ka badbaaday ganaax garoonka lagu dhex ciqaabo, maadaama buuqa iyo is jiidjiidadka ciyaarta oo badnaa darteed ay seegtay ishiisa garsoorihii reer Portuqaal , Pedro Proenca ee ciyaarta dhex dhexaadinayay.

Xabi OlonsoNasiib darose Xabi Olonso oo lugihiisa ka laabtay iskana ilaaliyey kubad ay isku qabteen Bastian Schweinsteiger uu ku mutaystay in calaamada Huruuda ah loo taago , maadaama oo uu mid hore qabayna uu sidaas ku seegayo kulanka Finel ka ah ee Lisbon ay Madrid kula ciyaarayso tii soo badisa Chelsea iyo Atletico Madrid Caawa.