Frank Lampard Oo xiddiga Chelsea ugu baaqay inay shaqo adag qabtan kulanka PSG

Lampard ayaa qirtay inay tahay inay Chelsea la soo baxdo qaab-ciyaareed isku dheeli-tiran marka ay kulanka lugta 2-aad ee wareega Quarter-finalka UEFA Champions League ku wajahdo Paris St Germain, hadalkiisa ayaana imaanaya xilli tababare Jose Mourinho uu sheegay inay kooxdiisu qaban doonto shaqo aan macquul aheyn.

Guul darradii 3-1 ee ku soo gaadhay Parc des Princes ayaa la micno ah inay Blues u baahan tahay inay la timaado natiijo 2-0 ah ugu yaraan habeen dambe  si ay ugu soo baxdo wareega semi-finalka Champions League markeedii todobaad muddo 11 sanno ah gudahood “Tani inta badan waa shaqo aan macquul aheyn.” ayaa laga soo xigtay Mourinho. Waxaase laga yaabaa inay habeen special ah inoo noqoto hubaashii.

 Maqnaanshiyaha Ramires oo ganaaxan, Nemanja Matic oo aan tartankan ciyaari karin iyo John Obi Mikel oo dhaawacan ayaa la micno ah inuu Lampard ku soo bilaaban doono kulanka habeen dambe, ka dib markii uu dhaliyey goolkiisii 250-aad ee heerka kooxeed Sabtidii kulankii ay 3-0 kaga  badiyeen Stoke City.

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.
Filed in

Atletico Madrid oo rajo weyn ka qabta in Costa xaadir ahaado kulanka Barcelona

Zabaleta Digniin : Manchester City Waa Inaanaan Xataa Barbar dhac Ka Ogolaan Liverpool

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com