Frank Ribery Oo Yasay Awoodda Ciyaareed Ee Griezmann

Waxa uu ka mid yahay saddexda ciyaartoy ee ku tartamaya xiddiga Yurub, laakiin Frank Ribery ayaa u sheegay in aanu wali gaadhin heer uu ku hiigsado ciyaartooyada waaweyn sida Ronaldo iyo Messi.

Ribery oo wakhtigan ka tirsan Bayern Munich, xulka waddanka Faransiiskana ka fadhiistay 2014 markii uu dhaawaca kaga qaday Koobkii adduunka ee sannadkaas lagu qabtay Brazil.

Griezmann waxa uu Euro 2016 ku guuleystay kabta dahabka ah kaddib markii uu dhaliyey goolashii ugu badnaa ee tartanka, laakiin sida uu Ribery ku doodayo wali wakhti badan ayaa u dhiman si uu xiddig adduun u noqdo.

“Waxaad hambalyeyn kartaa marka uu 10,12 ama 15 sannadood kubbadda ciyaaro, laakiin hadda wali ma gaadhin xiddig” sidaas waxa yidhi Ribery oo u warramay wargeyska weyn ee ciyaaraha ee Bild.

“Anigu tobankii sannadood ee u dambeeyey, waxaan ka mid ahaa ciyaartoyga ugu wanaagsan dunida, meel fiicanna waan ku jiray, laakiin hadda dhaawacyo ayaa i ragaadiyey” sidaas ayuu mar kale yidhi Ribery.

Ciyaartoygan heerka caalami oo diinta Islaamka qaatay, magaciisana u beddelay Bilaal, ayaa xulka dalkiisa France u ciyaaray 80 kulan, waxaanu u dhaliyey 16 gool, laakiin dhaawacyo ayaa labadii sannadood ee u dambeeyey ragaadiyey, kuwaas oo ka fadhiisiyey inta badan ciyaaraha kooxdiisa, khasabna ka dhigay in uu ka fadhiisto ciyaaraha caalamiga ah. Bayern Munich waxa uu labadii sannadood ee u dambeeyey shaadhkeeda xidhay 45 ciyaarood oo kaliya, inta kalena sariir yaal ayuu ahaa.