Furitaanka koobka Aduunka iyo beri : Brasil vs Crotia

Waxaa maalinta beri ah ka furmi doona Dalka Drasil ciyaaraha kubad cagta aduunka oo ah dhacdada ugu weyn kubada cagta ee la dhacda dunidan aynu ku nool nahay, waxaa gabo gabo taagan tirada maalmaha ka hadhay koobka aduunka , waxaana la filayaa in ay maalinta beri ah ay ka bilaabmaan damaashaadka koobka aduunka gabi ahaan dalka Brasil.
Waxaa lagu furi doona oo ay ciyaarta ugu horaysa madaxa isla galaaya labada dal ee Brasil iyo Croatia, ciyaartan dhex mari doonta dalka martida loo yahay iyo xulka Croatia ayaa ah mid leh miisaan culus madaama labada dal ay leeyhihiin xirfad kubadeed oo aad u saraysa, brasil waa Dalka hogaaminaya sadaasha hanashada koobka aduunka waxaanu wataa ciyaartoyga ugu caansan kubada cagta kuwaas oo hogaamiya kooxaha ugu tunka weyn qaarada Yurub.
Croati maaha xululka ugu sareeya ee loo sadaalinaayo hanashada koobka aduunka , waxaanse la Dafiri karin ay leeyihiin awoodii iska caabin lahayd dalka brasil waxaa ay ku dhaartaan Ciyaartoygooda Modrig oo ah dhex xirfad sare leh.
Waxaa la sugaaba waaa xaflada furitaanka koobka aduunka iyo waxay kala cafladaan labada xul ee Brasil iyo Croatia