3:16 pm - Sunday January 20, 7630

‘Fursaddii Ugu Fiicnayd Ee Xulka England Soo Marta Abid Ayay Noqon Doontaa’

560 Viewed Aidarous Comments Off on ‘Fursaddii Ugu Fiicnayd Ee Xulka England Soo Marta Abid Ayay Noqon Doontaa’

Phil NevilleHalyeygii hore ee xulka Ingiriiska, Phil Neville ayaa aragtidiisa ka dhiibtay jadwalka wax ka bedelka lagu samaynayo ee koobka Aduunka 2022 World Cup ee ay Qatar marti gellinayso, kaas oo lagu wado inuu dhaco inta u dhaxaysa bilaha November iyo December ee sanadkaasi.

“Aragtidayda Ingiriis ahaan, caadiyan waxaanu u amba baxnaa ciyaaraha aduunka, dhamaadka wakhti dheer oo sagaal bilood oo horyaalka ciyaarihiisa ah lagu soo jiray, markaas oo ciyaaryahanadayadu daal iyo rafaad kax la yihiin,”Ayuu Neville u sheegay barnaamijka BBC Radio 5 live.

“Waxay aniga ila tahay arinkan la wado wuxuu xulka kubada cagta Ingiriiska u noqon doonaa arintii ugu qiimaha badnayd ee soo marta haddii wakhtigaas ciyaaruhu dhacaan. Waxaanu koobka aduunka taggi doonaa horyaalka oo kala badh maraya, fursad weyna waxaan u helli doonaa ciyaaryahanadii oo fresh ama daray ah oon qabin daal, tartankana wax weyn ayay ka tarri doonaan.”

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

Geggida Macmalka Ah (Roogu ku goglan yahay) Codeyn Loo Qaaday Oo Mar Kale Guuldaraysatay

Neymar Oo Ku Sigtay In Uu Feedh ku Dawakhiyo taageere Manchester City Ah

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com