6:44 pm - Monday August 21, 2017

Gareth Bale Oo Hanjabaad U Diray Bayern Munich Ciyaarta Caawa Ka Hor

Aidarous

Laacibka orodka badan ee baasha uga ciyaara kooxda Real Madrid ee Gareth Bale ayaa ku nuux nuux saday in kooxdiisu si weyn ugu kalsoon tahay inay ka badinayso kooxda Bayern Munich kulanka maanta ee horyaalka Yurub -Champions League.

Kooxda Sagaalka jeer haysata horyaalka Champions League, ayaa wajahaysa Munich oo joogta Aliez Arena maanta, iyadoo ciyaartii hore ee Bernabue kaga soo adkaatay 1-0.

Ciyaaryahanka Xulka qaranka Wales wuxuu sheegay in Real ay leedahay awoodii ay fursadaas qaaliga ah kaga faa’iidaysan lahayd isla markaana ku gaadhi lahayd ciyaarta Finel-ka.

Isagoo ka hadlayay shirkii jaraa’id ee kooxdu shallay qabatay, Bale wuxuu yidhi.” Waanu isku kalsoonahay. ciyaartii hore waxaanu u ciyaarnay si fiican, shakina kama qabno naftayada.

‘Waxyaabo badan baa laga rajayn karaa kooxdan. Waa inaad mar walba guulaysataa. waxaanu ku guulaysanay koobkii (koobka boqorka Spain), imikana waxaanu u soconaa inaanu qaadno Champions League.”

Bale, oo kursiga kaydka lagu bilaabay ciyaartii hore ee Bernabeu xanuun hayay dartii, wuxuu rajo fiican ka qabaa inuu xulka koowaad ku bilaabo doorkan, isagoo tilmaamay inuu horumar ku samayn doono ciyaarta , isla markaana dagaal ba’an la galli doono, difaaca baashiisa jooga oo loo badinayo inuu noqon doono David Alaba.

‘Waan fiicanahay imika, waxaanan rajaynayaa inaan ciyaaro ciyaarta beri (maanta), xaga hore inaan ka gallo ayaan doonayaa,’ waxaanu intaas ku daray.

‘Alaba waa laacib weyn oo kooxda Bayern ah. wuxuu noqon doonaa dagaal adag oo aad u weyn – iyo ciyaar daawashadeedu xiiso leedahay.’

Bayern Munich ayaa caawa ku marti gallin doonta garoonkeeda Aliez arena kooxda Reer Spain ee Real oo kalkii hore kaga soo badisay 1-0.

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
5/5 - 1
You need login to vote.

Lidka Kubada Cagta : Taariikhda Kooxihii Ugu Difaaca Adkaa Ee Dunida Soo Maray

VIDEO: Dhacdo Naxdin Leh Oo Ka Dhacday Poland – Askari Dab Qabad Siiyey Taageere

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
%d bloggers like this: